berberatoday.com
Tirsigii 4-aad -Lama Diidana Maalgelinta Dekeda Berbera ee waxaa la Diidan yahay Ka gaadhsiiska 30-40 Sanadood ah iyo Maalgelin ah $442 Million. Qalinka A/rahman fidhinle UK‏
June 8, 2016 - Written by Berbera Today
Ma ..Weecsin iyo Beegsin mise.. Aloos iyo Agaasin Danbe oo sii hadha  !! Ma Qataabsi ama  Qurbaani.. Mise Qadhaabsi iyo Qudh-Qudho joogto ah ?  Ma– Midigays iyo Odeys mise Gown iyo irbad kale  !!  Boowe …Malaa….Waa Qaliban !! Mise ….Waaba Suke ! Mise …Waaba Deman iyo Dirham-quud !! Mise Xaalku waa Doog dhabasho iyo Doogsin carar !! intaasina waa iga arar dadab-galkeedii ee bal aan hoos u soo dego !!……. !!
inaga oo bud-dhig iyo baleysin la inoogu garaabo uga dhigayna hadaladii iyo hawraartii maalmahan loo adeegsanaayey Heshiiskii Wareejinta Dekeda Berbera oo Xogtiisii  lagu mergaday, inaga oo sii tix-raacayna tixdii iyo tiraabtii laga dhawaajiyey kuna bishilayna hadal haynta maalmahan iyo hadaaqa bulshada bal aynu Tooshka ugu yara  shidno ummadda  Somaliland !!
Kuy’e Heshiiskan Waxaa la isku afgartay oo qalinka lagu duugay 9/5/2016 ,Waxaana uu soo afjarmayaa  9/8/2016
Kuy’e Shirkada DPW waxay dekeda Berbera ku maalgelinaysaa $442 million.
Lay’e Lacagtaa $442 Million ka ah waxaa Dekeda gelaaya oo keliya $242 Million oo qudha
Kuy’e  Xaqal qalinku waa $15 million kaa soo $10 Million caash yahay $5 Milliona lagu soo iibin doono Tug maraakiibta soo xidha
Lay’e  Shirkadda DP World waxay dekeda berbera maamuli doontaa muddo dheer oo dhan 30 Sannadood iyo 10 kordhin ah = 40 sano
Kuye’ Somaliland  waxaynu Shirkada DPW kula shuraakoobaysaa qiimaha Dekeda oo ah 35% inta kalena oo ah 65% DPW ayaa leh.
Lay’e hadana Dekeda Berberi waxay soo saartaa sanadkiiba  $130 Million ilaa iyo  150 Million
Kuy’e Markaad ku dhufato wax soo saar keeda 10 sanadood oo qudha waxaa kuu soo baxaaya aduun badan gaadhaya  $1.3 Billion – 1.5 Billion
Lay’e Xukuumadu waxay Dekeda ku  qiimaysay  qiimo aad u hooseeya oo qaadhaaya $ 100 Milion oo keliya
Kuy’e 65% sheerarka waxaa qaadanaya shirkada DPW, 35% waxaa qaadanaya Berbera Port Authority Somaliland
Lay’e  Gudida Maamuli doonta Dekada wuxuu noqon doonaa 7 xubnood oo 5ni waa DPW  2na waa BPA Somaliland
Kuye  Shirkada cusub ee la Sameyn doono waxaa loo bixin doonaa magaca Berbera Port Operation Company ( BPOC)
Kuye  Shirkada cusub waxaa maamulaysa oo keliya DPW oo iyada ayaa yeelanaysa Maareeyaha iyo Maareeye ku xigeenkaba.
Lay’e  Shirkada cusubi waxay kordhin doontaa cashuurta sanadkiiba laba goor si ay ula tar-tanto Dekedaha dallalka deriska ah
Lay’e xaga sharciga (Govering law ) waxaa la adeegsan doonaa shuruucda iyo xeerarka Ingiriiska
Kuy’e  xaga Xalinta khilaafaadka ( Dispute Resolusion ) hadii uu khilaaf yimaado oo la xalin waayo mudo 30 cisho gudahood ah waxaa la isla tegayaa sharciya UAE iyada oo la cuskanayo nuqulada shuruucda ee DIFC iyo LCIA.
     Boowe maxaa qodobada kaaga baxay?  Waa aan fuudee  Allow Fii  haa ….. !!!!  Allow Fii Haaa  !!!
Weli Aduunka lama arag oo lama maqal Maalgashi kan oo kale ah oo Deked dhan oo shaqeynaysa, mudo 30 ilaa  40 sanadood ah lagu wareejinayo $430 million oo qudha , iyada oo lagu qiyaasay in Dekeda Berberi soo saarto sanadkiiba $1.3 Million ilaa $1.5 Million10-kii sanadoodna ay soo saari karto aduun u dhigma $1.3 Billion ilaa $1.5 Billion.  Waxaa mudnaanta kowaad la siiyey oo qalinka lagu xaday oo ku xardhan bogaga hore ee waraaqaha isfanka ” Memorandum Of Understand ” in la labada dhinac  isla fahmeen Horumarinta Beeraha, Shaqo abuurka, Dalxiiska, Wadooyinka, Keydinta Shidaalka iyo Tamarta. horumarintaasi ma xuma ee Laakiin Waxa loo socdaa ee Miiska Saaran ee Xaraashka ahi  Waa Dekeda Berbera oo shaqaysa soo saarta Sanadkiiba $1.5 Million. Su’aasha shacabka reer Somaliland is weydiinayaan ayaa ah Dekeda Berberi mow qalantaa ina lagu maalgeliyo qiimaha $242 Million mudo 30 sanadood ah ?  ileyn lacagta kale ee $188.Million ee hadhay waxaa lagu maalgelinayaa mashaariicda aan kor kaga soo dhawaajiyeye. Waxaa ummaddu wada aragtaa in heshiiskan ay shaqsiyaad gaar ahi ay dano gaar ah ka leeyihiin.
Guntii iyo Gebagebadii :  Sida ku cad “Term Sheetka ”  Waa in ay ansixiyaan Mashruucan Golaha Baarlamaanku sidaa daraadeed , Waxaa Golaha Baarlamaanka ee Somaliland laga codsanayaa oo looga fadhiyaa in ay shirkadaa  DPW iyo Xeerarkeeda u kuur galaan oo taxadar badan iyo wada tashi badan ka sameeyaan nuxurka ku duugan heshiiskan ka gaadhsiiska ah ee lagu Sadqeynaayo Dekeda Berbera oo aheyd ibtii  dhaqaale ee habaysay Qaranka Somaliland.
La soco tirsiga 5-aad  iyo nuxurka qarsoon ee ku duugan Wareejinta Dekeda Berbera-        ——————————–??
Boowe waxaan idiinku soo garoocayaa maanta ,
Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso!
Hasha ka irmaan Habaar qabe maal
Ana hawshiyo Habeeda imari
Geeso Haydhane Lo’da hadh udiid
misna ma hadhsado ee
Allow nooga sahal amuuraha Aduunyada!!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive  Advisor ED BD PA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews