berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Wasiir Cukuse Oo Lacag Jeebkiisa Kudhacaysa Ku Kordhiyay Xoolaha Nool Ee Dekeda Berbera Ka Dhoofaya Iyo Xoolo Kadinka Dekeda Berbera Ku Xaniban+Ganacsatadii Xoolaha Dhoofin Jirtay Oo Diiday Lacagtaas
June 8, 2016 - Written by Berbera Today

xolo2Berbera(Berberatoday.com)-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somliland Cabdillahi Maxamed Dahir(Cukuse) ayaa caawa ku xanibay kadinka ay Xooluhu ka galaan Dekeda Berbera xoolo aad utira badan oo adhi ah kuwaas oo loo dhoofinaayay Wadamada Khaliijul Carab gaar ahaan Sucuudiga isaga oo Wasiir soo dajistay Qorshe lacag kordhineed oo uu ku ladhay Lacag uu ku amray inay Maxjaradu Xoolaha Nool ku kordhiyaan  gaar ahaan adhiga oo hore Maxjaradu uga qaadi jireen lacag dhan neefkiiba 2 dollar ayuu wasiirku ku amaray inay ka dhigaan 4 dollar isaga oo wasiir Cabdillahi Cukuse ku yeelanaya labada doolar ee lagu kordhiyay neefka adhiga ah 0.3 dollar oo ugu dhacaysa account uu ka samaystay xawaalada Dahabshiil ee Berbera sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamida ganacsatada Xoolaha dhoofiyaa caawa.

Waxaana Caawa ilaa hada kadinka xooluhu ka galaan Dekeda ku xaniban adhi gaadhaya ilaa 50.000. oo neef oo ka dhoofilahaa Dekeda Berbera kuwaas oo loo haysto lacagtaas uu Wasiir Cukuse sida sharcidarada ah usoo samaystay ee aanay Xukumada uu katirsan yahay la ogayn waxaanay qaar kamida Ganacsatada Xoolaha dhiifisa oo aanu wax ka weydiinay lacagtan lagu kordhiyay xoolaha ay noo sheegeen in aanay ogolayn in lacagtaas bixiyaan iyaga oo ku tilmaamay sharcidaro xoolahaasina ay halkaas uhoyan doonaan ilaa inta lacagtaas laga noqonayo

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdillahi Cukuse ayaa lacagta uu kordhiyay ee labada dollar ah waxa uu yeelanayaa shaqsiyan isagu sidii aynu hore usoo sheegnay 0.3 dollar halka ay 1.7 doolarka hadhayna ay qaadanayaan mulkiilayaasha Maxjarada Xoolaha lagu caafimaadiyaa waxaanu arinkaas usameeyay Wasiir Cukuse in aanay ka soconayn lacag uu kaligii korodhsadaa balse waxa uu ku ladhay lacag uu ukordhiyay Mulkiilayaasha Maxjarada Xoolaha Lagu Caafimaadiyo ee Berbera kuyaala si ay lacagtaas ugu hirgasho,

Qaar kamida Mulkiilayaasha Maxjarada oo xoolahana ka ganacsadaa ayaa iyagu lacagtaas caawa shubay iyaga oo eeganaya lacagta maxjar ahaan ukorodhay iyaga waxase iyagu diiday inay lacagtaas bixiyaan Ganacsatada Xoolaha oo kaliya dhoofiya ee aan maxjarada lahayn oo iayaga aanay waxba ukordhin balse lacag laba dollar ah lagu kordhiyay oo culeys weyn ku haysa sida ay noo sheegeen.

Isuduwaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Gobolka Saaxil Cali Maxamuud Guuleed oo aanu wax ka weydiinay lacagta Wasaaradiisu ku kordhisay Xoolaha ayaa gabi ahaanba dafiray in lacagtaasi jirto isaga oo ku tiraabay aniga wali imuu soo gadhin warkaasi halka ay xoolihii lacagta laga doonaayay ku xanibnaayeen kadinka ay xooluhu ka galaan Dekeda Berbera sidoo kale Qaar kamida Ganacsatada Xoolaha dhoofisa oo aanu tilifoonka kulka xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyay inuu isuduwaha xanaanada Xooluhu ku amray inay lacagtaas bixiyaan hadii kale aanu neef xoolo ahi galayn Dekeda Berbera. 

Lacagtani maaha cashuurtii dawlada ee Maaliyadu qaadaysay ee waa lacag uu samaystay Wasiirka Xanaanada Xooluhu isaga oo Mulkiilayaasha Maxjarada xoolaha kaashanaya kana faa,iidaysanaya dhoofka xoolaha ee moosimka xajka oo ay ka dhoofayaa Dekeda Berbera in ku dhaw laba milyan oo neef oo adhiya marka xoolahaas labada milyan ah lagu dhufto 0.3 ayaa waxa uu qadanayaa wasiir Cukuse  hadii ay usuuragasho lacag dhan 600.000$lix boqol oo kun oo Dollar.

Waxa aanu wararkayaga danbe idiinku soo gudbin doonaa rasiidhka lacagta uu qaadanayo wasiir Cukuse.

 

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews