Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Dib Udhac Ku Yimid Wada hadaladii Somaliland Iyo Somaliya Iyo Booqashada Ordagan Ee Muqdisho.
June 8, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya, ee ka dhacaayey dalka Turkiga, waxaanu sheegay in aan ilaa hadda loo sheegin sababta keentay dib u dhaca balse Ramadaan kadib ay dib u bilaabi doonaan wada hadaladu.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr Sacad Cali Shire oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku waajahan imaanshaha Madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho iyo sameeynta ay ku yeelan karto arinta wada hadalada, waxa kale oo uu ka hadlay dadkii lagu laayey Deegaanka Gaashamo iyo dagaalkii labada beelood ku dhexmaray Dharkeen-geeyo, waxaana ugu horeyn isaga oo ka jawaabay su’aal aanu ka weydiinay sababta keentay dib u dhaca wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa ku jawaabay “Kolay wada hadaladii dib ayey u dhacaan, anigu diyaar ayaanu u in aanu galno, laakiin sabab cad oo ilaa hadda naloo sheegay oo dib u dhaca keentay ma jirto, laakiin waxay si toos ah u bilaabi doonana marka ay bishan Ramadaan ina dhaafto haddii ALLE idmo”.