berberatoday.com
Ka Faa’iideyso Fadliga Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Q.2aad
June 9, 2016 - Written by Berbera Today

Mushqaayada Soonka oo Illaahay Bixinayo

Fadliga Bisha Ramadaan waxa ka mid ah In Illaahay si gaar ah uga sheegtay Soonka Cammaladii kale ee la qabanayey, mushqaayada Soonkana uu yidhi anigaa bixinaya. Xadiisul Qudsi ayuu Illaahay ku yidhi: “Cammalada dhamaan Bani’aadamka ayaa iska leh, Soonka mooyaane, Soonka anigaa iska leh, anigaana mushqaayadiisa bixinaya, Soonku waa gaashaan, Qofkiin marka uu sooman yahay yaanu qaylin (muran & Dood), yaanu Af xumoon, haddii uu qof caayo ama la dirriro ha yidhaahdo anigu waan soomanahay, Illaahii  Nafta Muxamad Gacantiisa ku jirtay ayaan ku dhaartee, Bukhuurka afka Qofka soomani Illaahay agtiisa wuu kaga udgoon badan yahay udduga Miskiga, Qofka soomani wuxuu leeyahay laba farxadood; markuu afuro wuxuu ku farxayaa Afurkiisa, markuu Illaahay la kulmona wuxuu ku farxayaa Soonkiisa” Waxa weriyey labada sheekh.

Faa’iidada Xadiiska

  1. In Illaahay si gaar ah u sheegtay Soonka, Cammalada kalena uu yidhi waxa iska leh bani’aadamka, waayo Soonka ma soo geli karaan istus iyo is maqashiis, halka Cammalada kale ay soo geli karto in Qofku cid kale wax kaga doonayo, waxa kale oo jirta in Soonka aan ciddi ka warqabi Karin ee Addoonka & Illaahay keli ahi isla og yihiin.
  2. Soonka in Illaahay yidhi Anigaa mushqaayadiisa si gaar ah u bixinaya, mana sheegin inta uu leeg yahay, laakiin waxa la rajaynayaa inuu ahaado mid weyn oo Qofku ku farxi doono marka uu Illaahay la kulmo.
  3. Soonku wuxuu gaashaan ka yahay dhamaan waxyaalaha xun xun iyo shahwaadka Naftu doonto.

4.Qofku markuu sooman yahay inuu dhawrto Soonkiisa kana taxadaro wixii wax u dhimaya ajrigiisana nusqaaminaya. Haddii Qof ku soo xadgudbo waa inuu u sheego inuu sooman yahay oo Soonkiisa illaashanayo.

  1. Waa in aanu dhib geysan, afxumadana iska illaaliyo.
  2. Wuxuu inoo sheegay qiimaha uu leeyahay isbedelka iyo urta xun ee ku dhaca Afka Qofka sooman, wuxuu inoo sheegay inuu Illaahay agtiisa kaga udgoon badan yahay cadarka miskiga, waxa Cullimada Shaaficiyadu sheegeen in Qofku Ramadaanka gelinka danbe cadayga iska daayo waayo wuxuu tirayaa urtii qiimaha badan lagu sheegay.
  3. Qofku waa inuu ku farxo marka uu Cibaadada dhamaysto sidii Illaahayba ku yidhi: “Inaad Tirada Bisha dhamaystirataan, Illaahayna weyneysaan, oo u takbiirataan, kheyrka uu Idinku hannuuniyey iyo inaad u shukri naqdaan”.
  4. Qofka soomani wuxuu ku farxi doona Soonkiisa markuu Illaahay la kulmo iyo markuu afuro ee Soonkiisa dhamystirto.

Abaal Marinteedu Xisaab ma leh

 

Fadliga Soonka waxa ka mid ah In abaal marinteedu ka duwan tahay Cammalada wanaagsan ee kale, Cammalada wanaagsan waa la labanlaabaa ilaa toddoba boqol oo kun la gaadhsiiyo, laakiin Soonka waxa Illaahay sheegay inuu isagu ka bedelan yahay oo abaal marintiisa si gaar ah isagu u bixinayo sidii aan hore u soo sheegnay,

Soonka ajrigiisu waa bilaa xisaab sida IllaahayQur’aankiisa ku sheegay:

Allaah waxa uu u wafaynayaa dadka samra abaalmarintooda oo aan xisaab lahayn”. Soonkuna wuxuu kulansaday Saddexdii nooc ee samirku ka koobnaa: (1) ku samirka Daacada iyo Cibaadada, (2) ku samirka Xukunka Illaahay. (3) ka samirka waxyaalaha Illaahay xarimay.

 

Qofka soomani wuxuu ku samrayaa Soonka oo ah cibaado Illaahay loogu dhowaanayo, wuxuu ku samrayaa amarka Illaahay uu ku waajib yeelay inuu Cuntada & Cabista iyo Shahwada intaba ka tago inta Soonku socdo, sidoo kale, wuxuu ku samrayaa Gaajada iyo Haraadka iyo Daalka uu Soonku leeyahay.

 

Soonka oo Shafeec ah

 

Fadliga Soonka waxa ka mid ah inuu u shafeeco qaado saaxiibkii yoomal qiyaamaha sidaana waxa xadiis ku sheegay Rasuulkeena

wuxu yidhi:

Soonka iyo Qur’aanku way u ergeeyaan Addoonka Maalinta Qiyaame, Soonku wuxu yidhaahdaa:Rabiyow waxaan u diidey Cuntadii & Doonistii ee ergadiisa iga aqbal, Qur’aankuna wuxuu yidhaahdaa: Waxaan u diidey Hurdadii Habeenimo ee iiga ergo aqbal, waa laga ergo aqbalaa”.

 

Faa’iidada Xadiiska:

 

  1. Soonka & Qur’aanku Inay u ergeeyaan Qofkii soomi jirey & kii Qur’aanka ku soo jeedi jirey Soonku ha noqdo sunne iyo faral mid kasta.

 

  1. Soonka iyo Qur’aanku qiimaha ay dheeryihiin Cammalada kale ee wanaagsan.
  2. Soonka & Qur’aanka inay u shafeecaan saaxiibkood.
  3. Qiimaha uu leeyahay Soonka & Qur’aanka akhriskiisa oo la badsadaa.

 

  1. Qiimaha uu leeyahay Qur’aanka oo Habeenkii lagu tukado xilliga la hurdo.
  2. In Cammalada wanaagsani yihiin Saaxiib wanaagsan oo kuu doodaya qiyaamaha.

Soonku waa Gaashaanka Naarta

 

Fadliga Soonka waxa ka mid ah inuu Naarta ka yahay gaashaan, sidaana waxa inoo sheegay Rasuulkeena  wuxuu yidhi:

Soonku waa gaashaan, Addoonku Naarta isaga dhigo”. waxa weriyey

Axmad Sanad Saxiix noqonaya.

 

Faa’iidada Xadiiska:

 

  1. Soonku inuu yahay Gaashaan Naarta lagaga gaashaanto.

 

  1. In Qofku Soonka badsado si uu Naarta gaashaan ugu helo, waayo Nebigu wuxuu yidhi: “Naarta wuxuun isaga dhiga jeex timirana alle ha ka dhigee

 

  1. In cammalada wanaagsan sida Soonka iyo Sadaqadu Naarta Gaashaan ka noqdaan.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews