Kaalalkii Shiidaalka Laga Dhaamin Jiray Ee Haamaha Berbera Oo Istaagay Iyo Booyadihii Patrolka Qaadi Lahaa Oo Haamaha Hortooda Hoganaya
June 9, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)Waxa ilaa saaka subaxnimadii taagnaa oo aan shaqaynin kaalalkii Laga dhaamin jiray Shiidaalka ka baxaya Haamaha Berbera kadib markii ay xumaadeen Daynamooyinkii dhaqaajin jiray Saacada shiidaalka Marayo oo aan wax dayactira lagu samaynin muadadii ay Haamaha shiidaalka Berbera gacanta kuhayeen Shirkadaga Xukumada Madaxweyne Siilanyo ka kireysay ee faa,iido doonka ahi
Sida ay sheegayaan xogo rasmiya oo aanu helay waxa ay shaqadu joogsatay saaka subaxnimadii hore kadib markii ay si iskumida wada istaageen kaalalkii laga dhaamin jiray shiidaalka noociisa loo yaqaano patrolka oo ahaa laba kaal oo midi hore uxumaaday oo uu mudo sadex biloodaba aanu shaqaynin halka kaalkii labaad ee patrolka laga dhaamin jirayna uu maanta fadhiistay oo aan wax patrol ah laga dhaaminin haamaha shiidaalka Berbera booyadihii shiidaalka noociisa patrolka ah qaadi jiray ee ka kala yimi gobolada dalkuna ay hoganayaan afaafka hore ee haamaha shiidalka Berbera,