berberatoday.com
Kaalalkii Shiidaalka Laga Dhaamin Jiray Ee Haamaha Berbera Oo Istaagay Iyo Booyadihii Patrolka Qaadi Lahaa Oo Haamaha Hortooda Hoganaya
June 9, 2016 - Written by Berbera Today

booyadaha haamahaBerbera(Berberatoday.com)Waxa ilaa saaka subaxnimadii taagnaa oo aan shaqaynin kaalalkii Laga dhaamin jiray Shiidaalka ka baxaya Haamaha Berbera kadib markii ay xumaadeen Daynamooyinkii dhaqaajin jiray Saacada shiidaalka Marayo oo aan wax dayactira lagu samaynin muadadii ay Haamaha shiidaalka Berbera gacanta kuhayeen Shirkadaga Xukumada Madaxweyne Siilanyo ka kireysay ee faa,iido doonka ahi

Sida ay sheegayaan xogo rasmiya oo aanu helay waxa ay shaqadu joogsatay saaka subaxnimadii hore kadib markii ay si iskumida wada istaageen kaalalkii laga dhaamin jiray shiidaalka noociisa loo yaqaano patrolka oo ahaa laba kaal oo midi hore uxumaaday oo uu mudo sadex biloodaba aanu shaqaynin halka kaalkii labaad ee patrolka laga dhaamin jirayna uu maanta fadhiistay oo aan wax patrol ah laga dhaaminin haamaha shiidaalka Berbera booyadihii shiidaalka noociisa patrolka ah qaadi jiray ee ka kala yimi gobolada dalkuna ay hoganayaan afaafka hore ee haamaha shiidalka Berbera,

booyadaha haamaha

Xogaha dheeraadka ah ee aanu amuurtan ka helaya ayaa sheegaya in ilaa hada loo maaro layahay sidii loo cilad saarilahaa kaalalkaa shiidaalka laga dhaamiyo ee xumaado iyada oo farasamayaqaano ku xeel dheer oo aanu arintan wax ka weydiinayna ay sheegeen in ay kalaalka xumaaday cilada gashay tahay dayactir la,aan ku baahday oo waxba laga qabana waayay mudadii ay shirakaduhu gacanta kuhayeen maamulka haamaha shiidaalka Berbera iyada oo la sheegay in aanay jirin haba yaraatee wax dayactira oo ay shirakadaha Maamulka haamaha haystaa aanay jirin taasina ay soo qadintay inay wqada fadhiistaa kaalalkii laga dhaamin jiray shiidaalka noocyadiisa kala duwan

waxase hada la sheegayaa inuu shaqaynayo hal kaal oo kamida kuwa shiidaalka naaftada ah laga dhaamiyo halkay fadhiyaan sadex kaal oo kala ah laba laga dhaamiyo Patrolka iyo hal kaal oolaga dhaamiyo naaftada.

Masuuliyiinta maamulka Haamaha shiidaalka haysta oo aanu iskudaynay in aanu wax ka weydiino dhacdadan ayaa naga qaban waayay tilifoonadooda gacanta oo aanu ka wacnay.

Ilaa mudadii ay Maamulka Haamaha shiidaalka la wareegeen shirkadaha Xukumadu ka kiraysay haamaha shiidaalka Berbera ayaa waxa isasoo taraayay ciladaha ku imaanaya taagiyada haamaha shiidaalka iyo kaalalka shiidaalka laga dhaamiyo iyada oo ay horena udhacday inay qaraxday haan kamida haamaha shiidaalka lagu keydiyo waxaanay tani markhaati katahay in aanay shirkadaha haamaha shiidaalka laga Kireeyay ahayn kuwo hanan kara maamulka haamaha shiidaalka dalka islamarkaana dayactir ku samayn kara baahida qalab ee haamaha shiidaalka Berbera oo hada aad moodo inay soo badanayso.

Haamaha shiidaalka Berbera ayaa la sheegay inuu Dayactir dhinac kasta ahi ugu danbeeyay Xiligii uu maamulaayay Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo ahaa Maareyihii shaqada ku wareejiyay Maamulka shirkadaha hada Maamula haamaha shiidaalka Berbera oo Xukumadu ka kiraysay.

booyadaha haamaha

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews