berberatoday.com
SOOL: Dagaalkii DHARKEYN-GEEYO Oo Sababay Baro-kac Baahsan, Hooyo Jidka Ku Umushay Iyo Wiil Yar Oo Aan Dhowr Maalmood Cunto Cunin
June 9, 2016 - Written by Berbera Today

Dadka Baro-kacay Cidna Weli Gurmad Bani-aadamnimo uma fidin

Sool(Berberatoday.com)-Dagaalkii Toddobaadkii hore labada Beelood ee Walaalaha ah ku dhex maray Deegaanka Dharkeyn-geeyo ee Koonfurta Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa saameeyay Nolosha Dadka Deegaankaasi ku dhaqnaa, waxaanu keenay in Dad badan halkaasi ka baro-kacaan.

Warka 2-aad (2)In ka badan 2000 Qoys oo ka mid ahaa Dadkii ku dhaqnaa Deegaannada Colaaddu ka dhacday ayaa u baro-kacay meelo kala duwan oo deegaannada Gobolka Sool ah, si ay uga baxsadaan dagaalkaasi oo socday muddo dhowr Maalmood ah.

Idaacadda Ergo oo baahisa Wararka ku saabsan Bani-aadamnimada, ayaa sheegtay in Dadka ka badan 2000 ee Qoys ee ka qaxay Colaadda Dharkeyn-geeyo ay wajahayaan Xaalad Bani-aadamnimo isla-markaana u baahan yihiin Gurmad deg-deg ah oo loo fidiyo, maaddaama oo ay ka baro-kaceen deegaannadii ay ku dhaqnaayeen ee ay ka helayeen quutal-daruurigooda.

Idaacadda oo soo xiganaysa Odayaasha deegaanka, ayaa sheegtay in Dadka ka badan 2000 Qoys ee baro-kacay ka dhalan karto Masiibo Bani-aadamnimo, sidaa daraadeedna gurmad u baahan yihiin, maaddaama oo aan illaa hadda wax taakulo ah aan la gaadhsiinin.

Wiil yar oo la hadlay Idaacadda Ergo, ayaa sheegay inaanu dhowr Maalmood waxba cunin, wax biyo ahna helin.

Dhibkaasi oo kalena ay qabaan Qoysaska kale ee deegaankaasi ka baro-kacay, kuwaasi oo ay ka mid yahay Hooyo umushay intii ay ku jirtay socodkii ay kaga soo baro-kacday deegaankeeda.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews