Suldaan Xiirey Oo Ka Hadlay Colaada Dharkayngeeyo, Heshiiska Dekedda Berbera Iyo Madax-dhaqameed Ka Tagay Somaliland Oo Muqdisho Ka Degay.
June 9, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo shalay warbaahinta kula hadlay gurigiisa ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Dharkayn Geenyo isagoo dhanka kalana Salaadiinta u hanqaltaagaya Xamar ku tilmaamay kuwo khiyaamo qaran samaynaya kana hadlay heshiiska Dekeda Berbara.
Suldaanka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Halkan Dharkayn geenyo waxaa ka dhacay dhibaato wayn laba beelood oo walaalo ah oo ehela oo isu guriya oo isu ooda oo inan iyo abtigiiya ayay diriri ku dhex martay. Waxaan ugu baaqayaa inay collaada joojiyaan oo ay wadahadal ku dhameeyaan ummada dhimatayna ilaahay ha u naxariisto inta dhaawacantayna ilaahay waxaan uga baryayaa inuu caafimaad siiyo bogoodana burcad isku mariyo wanaaga iyo sharafta tuso. Dawlada Somaliland oo iyaguna ku dhawaaqday inay ka hawl gasho cuqaasha iyo madaxdhaqameedka meelkasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa inaan ka hawl galo oo bishaa ramadaan dadkaa dhex galo oo nabada ku soo dabaalo”Ayuu yidhi “