Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Cawil Cali Ducaale Oo xukuumada siilaanyo ku Canaantay xadhiidhkeeda Xummaday Ee Itoobiya Kana Hadley Xasuuqii Gaashaamo
June 10, 2016 - Written by Berbera Today
“..Anagu(Xukuumadii Riyaale) marka ay Liyuu Boolisku dadkaa shacabka aha laayaan ,waxaanu toos ula xidhiidhi jirnay dawlada dhexe ee Itoobiya gaar ahaana Meles Zenaawi waxaanu odhan jirnay dadka kililka shanaad dagan colaad baa naga dhaxaysa guuna ee miyaad naga qabsan mise waad noo fasaxday”Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii Hore ee Maaliyada Xukuumadii Daahir Riyaale ayaa ka sheekeeyay siday ula macaamili jireen Itoobiya marka ay Ciidamada kililka shanaad ay laayaan shacabka Somaliland ee xuduudka ku teedsan
waxaanu yidhi “Anagu(Xukuumadii Riyaale) marka ay Liyuu Boolisku dadkaa shacabka aha laayaan ,waxaanu toos ula xidhiidhi jirnay dawlada dhexe ee Itoobiya gaar ahaana Meles Zenaawi waxaanu odhan jirnay dadka kililka shanaad dagan colaad baa naga dhaxaysa guuna ee miyaad naga qabsan mise waad noo fasaxday aanu dhirbaaxo ku dhufanee ,laakiin dawladan Axmed Siilaanyo waxay la xidhiidhaa nimanka kililka shanaad haysta oo ah kuwa dhibta wada….”ayuu yidhi Xuseen Cali Ducaale Wasiirkii Maaliyada Dahair Riyaale.