berberatoday.com
Xoghayaha Cilmi baadhista Xisbiga Waddani Oo Si Adag U Cambaareeyey xadhigga Xaqdarada ah ee Xukuumadda Siilaanyo la Beegsatay Haldoorka Saaxil,Tilmaameyna Cawaaqibka Ka Dhalan Kara.
June 10, 2016 - Written by Berbera Today
Waxay meel kaga dhacday Xuquuqihii iyo Xorriyaadkii dastuuriga ahaa Muwaadiniinta reer Somaliland sida;xorriyatul qawlka(Dast.32.1& 3),Bannaanbaxyada(Dast.32.2), ka qayb-galka Siyaasada
 
Qaranka Somaliland waxaa dhidibada loo taagay 18kii May 1991kii, iyadoo ay wada dhiseen Qarankaas dhammaan Beelaha deggan Somaliland, meelna la iska dhigay wixii aano iyo dakano ahaa ee hore u jiray. Waxaana la taabbageliyey Nabad iyo xasilooni ka hanaqaadda geyiga Somaliland. Waxaa dhisantay dawlad leh Calan, Distoor iyo dhammaan Golayaashii Qaranka.
 
Shacabka reer Somaliland si ay u higsadaan horumar iyo aqoonsi caalami ah, waxay dhinac iska dhigeen qorigii iyo kala qoqobnaantii waxayna iyagoo wadajira u soo jeesteen inay waddankooda dhistaan. Laakiin nassib-darrada jirtaa waxay noqotay Xukuumadii Kulmiye ee ay Doorteen 26 june 2010  ee la rabay inay dalka gaadhsiiso horumar iyo caddaalad, ayaa hadda dib u raacday raadkii shacabkani hore u eeday ee kali talisnimo. Waxay dhinac iska dhigtay Distoorkii iyo sharcigii dalkan u yaalay, sida ku xusan faaladan soo socota.
 libaan
Waxay ka tallaabsatay wada-tashigii iyo talo-wadaagii salka u ahaa Qarankan Somaliland sida ku cad Dastuurka qodobkiisa 9aad (1) oo sheegaya:”Nidaamka Siyaasadeed ee J/Somaliland waxaa saldhig u ah nadab,talo-wadaag,dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan”.
 
Waxay meel kaga dhacday Xuquuqihii iyo Xorriyaadkii dastuuriga ahaa Muwaadiniinta reer Somaliland sida;xorriyatul qawlka(Dast.32.1& 3),Bannaanbaxyada(Dast.32.2), ka qayb-galka Siyaasada
 
Waxay xukumada Kulmiye caadaysatay gaboodfal, xadgudub, cabudhin, caga juglayn,
xadhig, iyo xabad ay waagi barya iyo gabalkii dhacaba ay u gaysanayso shacabkii codkoda kuso doortay. Xukuumadu waxay sidookale meel kaga dhacday Dastuurka dalka sida ku cad qodobka 25AAD ‘’XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYADDA’’  oo u qoran sidan:
1. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.
 2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.
3. Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda.
 4. Dhammaan xorriyaaka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.
 
Hadaba  waxaan cod dheer ku cambaaraynaya xadhiga sharci darada ah ee Lagula kacay Madax dhaqmeedka Aqoon yahanka iyo Dhalin yarada Fikirkoda  iyo Rayigoda ka dhiibtay Heshiiskii Qabyada ah ee dhawaan Xukuumadu Kulmye ku saxaxeexday in ay ku wareejiso Maamulka Dakada berbera Shirkada DPW  oo laga leeyahay Dalka Emaradka Carabta. Ugu dambayntii, waxaan M/waynaha ugu Baaqaya in uu si degdeg ah xoriyadooda ugu so celiyo dhamaan muwadiniinta loo xidhay cabiraada rayigooda. Waxaa hubaal ah in aanay xal U noqonayay wareejinta bilaa shuruuda ah ee dakada berbera caga juglayn iyo cabudhin la cabudhiyo bulshada reer saaxil.  Waxaa xaqiiq ah in xadhiga iyo cagajuglaynta dadka reer saxil ay keenayso kacdoon ka curta Magaalada Berbera  iyo Gobolka saaxil oo saamayn ku yeelan doona guud ahaan Qaranka Somaliland.
 
Xoghayaha Cilmi Baadhista Xisbiga Waddani
Liibaan Axmed Cigaal

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews