berberatoday.com
Dawladda Federaalka Itoobiya Oo Hargeysa Kaga Ballan-qaaday In Sharciga La Hor-keenayo Ciidamadii Dadka Maatida Ah Ku Xasuuqey Deegaanka Jaamac Dubbad
June 12, 2016 - Written by Berbera Today

Madaxweynaha Somaliland Oo Hargeysa Kula Kulmay Wefti Ka Socda Dawladda Federaalka Iyo Weedhaha Uu Ka Yidhi Xasuuqa Ciidammadoodu Geysteen

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa ka wada hadlay Xasuuq Dad Shacab ah oo loogu geystay Deegaanka Jaamac Dubbad oo ka tirsan Degmada Gaashaammo ee Gobolka Jarar ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Wefti ka socda Dawladda Federaalka Itoobiya oo socdaal ku yimid Hargeysa, ayaa Shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  waxayna ka wada hadleen Arrimo ay ka mid yihiin Dadka lagu laayey Jaamac Dubbad, Xidhiidhka Ganacsi ee u dhexeeya iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu Afhayeenka Madaxtooyadu ka soo saaray kulankaasi, waxaanu u qornaa War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti heerkiisu sareeyo oo ka socda dawladda federaalka Itoobiya, kana kooban wasiiru-dawlayaal iyo masuuliyiin kale oo dalka booqasho ku yimid Jimcihii.

Weftgan ayaa madaxweynuhu waxay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal, iyo Arrimo ay ka mid ahaayeen  dadkii lagu laayey Jaamac Dubbad, iyo fal daandaansi ah oo ay Liyuu boolisku ka sameeyeen Ballidhiig Jimcihii.

Madaxweynaha oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa ku soo dhaweeyey weftiga dalka iyo Qasrigaba, waxaanu intaa raaciyey hadal ku saabsan xidhiidhka soo jireenka ah ee itoobiya iyo Somaliland, mar uu arrintaa ka hadlaayeyna waxa uu yidhi “Waxan idin ku soo dhawaynayaa dalka iyo Madaxtooyada labadaba. Sidaad ogtihiin waxaynu nahay laba dal oo jaar iyo saaxiib ah, waxannaan illaawayn, sidii dad kayagu idinku baxsadeen 1980aadkii markii keligii taliyihii Siyaad Barre ay ka qaxayeen, magan-gelyadii aad siiseen iyo gacmo furaantii iyo laab furnaantii aad ku soo dhawayseen, kuna soorteen”.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamo ka bixiyey, xidhiidhka u dhexeeya labada dal iyo sida ay uga faa’iidaystaan labada dhinacba, waxaana ka mid ahaa hadaladiisi”waxaynu nahay dan wadaag ka wada shaqaynaya in dalalkeennu noqdaan kuwo xasiloon, isla markaana dad yawga labada dal ay ku hantaan barwaaqo”.

Madaxweynuhu wuxuu u gudbay inuu kia waramo muhiimada socdaalka weftiga oo ku saabsan hore u dhiggida heshiisyada ganacsi ee u dhexeeya labada dhinaca, isagoo tilmaamay in dhinacooda Somaliland ahaan ay diyaar u yihiin ka midho dhalinta heshiisyadaasi, mar uu arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “Socdaalkiina, sida masuuliyiinta noo qaabilsani isoo gaadhsiiyeen wuxuu la xidhiidhaa ganacsiga iyo fudaydintiisa, oo ay ku jirto waxka qabashada jidka Berbera iyo Togwajaale, waxanan amrayaa masuuliyiinta dhinacayaga in aanay waxba kala hadhin, sidii ay taabbo gal u noqon lahaayeen si kama danbaysana loogu gebegebayn lahaa, heshiisyadaasi. Waxa kale oo uu madaxweynuhu ka hadlay heshiiskii dhawaan Somaliland la gashay shirkada Dalka Imaaraadka carabta ee DP World, ereyadiisi  arrintaa ku saabsanaa waxa ka mid ahaa “Aragtida fog ee Somaliland waxa weeyaan in gobolka ay ku yaalaan Itoobiya iyo Somalilandba uu noqdo, gobol dhaqaalihiisu xooggan yahay, iyadoo heshiiskayaga DP world iyo Somaliland uu yahay waxa xaqiijinaya in gobolkani yeesho dhaqaale xoog leh, iyadoo wadada aynu ka wada shaqaynayno samaynteeda ee Somaliland iyo Itoobiya isku xidhaysa ay tahay isla markaana isku xidhkii gobolka Geeska Afrika”.

Madaxweynuhu waxa uu u gudbay inuu ka hadlo mashaqadii ka dhacday Jaamac Dubbad ee degmada Gaashaamo, waxaanu yidhi “waxa na soo gaadhay dadka aan hubaysnayn ee waayeelka, carruurta iyo haweenka ahaa ee qaarkood sida la noo sheegay ay masaajid ku jireen ee la laayey, Annagu idin kuma fara-gelinayno maamulka dalkiina, waxaase aanu jecel nahay inaad ku samaysaan baadhis rasmiya cidda dhibaatadaasi gaadhsiisay dadkaasi, isla markaana aad wax ka qabataan ciddii geysatay falkaa Bani-aadanimada ka baxsan.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu iyana raaciyey dhacdo shalay ka dhacday degmada Ballidhiig halkaasoo koox ka tirsan Liyuu booliska ay ku soo galeen magaaladaasi kuna jeex-jeexeen calanka Somaliland, isala markaana ay haddideen duqayda iyo waxgaradka magaaladaasi.

Ugu danbayntii madaxweynuhu waxa uu weftiga ugu sii dhiibay salaan ra’isal wasaaraha dalka itoobiya wasiirka Arrimaha dibeda ee dalkaas iyo dhamaanba shacbiga dalkaasi.

Dhiniciisa waxa hadalkii la wareegay wasiiru-dawlaha arrimaha dibeda, ahna madaxa weftiga Mr Regasa Kefalewu, waxanu ka mahadceliyey soo dhawaynta balaadhan ee lagu baashiray intii ay dalka joogeen, isagoo si gaarana uga mahadnaqay madaxweynaha qaabilaada qasriga uu ku qaabiley.

Waxa uu uga gudbay Madaxa weftigu faah-faahina uu ka bixiyey ujeedadad socdaalkooda, isagoo madaxweynaha u sheegay in masuuliyiinta labada dhinac ee heshiiska ka wada shaqaynayaan ay sidii la rabay u wadaan, heshiisyadaas oo isugu jira kuwo la gebegebeeyey iyo kuwo dhakhso loo gebegebayn doono.

Waxa kale oo uu ka hadlay mashaqooyinka ka dhacay Jaamac Dubbad, isagoo uga hadlay si adag, waxaan isagoo yidhi “Madaxweyne waxa aanu ballan qaadaynaa sidaad adiguba sheegtay, in baadhis rasmi ah lagu sameeyo siday wax u dheceen, dhibaatada meesha ka dhacday, cidda ka danbaysay, ujeedada ay lahaayeen isla markaana si toosa loo horgeyn doono sharciga dambiilayaasha dilka dadkaas ku tallaabsaday”.

Madaxa weftiga oo u muuqday nin aad uga xun wax ka dhacay degmada Gaashaamo iyo daandaansiga Balli-dhiigba oo hadalka arrintaa ku soo noqnoqday ayaa waxa uu carrabka ku adkeeyey in aanay dawlad ahaan waxba kala hadhi doonin waxa ka qabshada falkaasi, waayo ayuu sheegay, falalka noocaasa waxay khalkhal gelinayaan amniga wanaagsan ee ay wadaagaan labada dal iyo iskaashiga ay doonayaan hadda iyo hadhawba inay yeeshaan.

Kulanka Xafiiska Madaxweynaha waxa ka horeeyey kulan balaadhan ay yeesheen guddiyada farsamo iyo wasaaraddaha heshiisyada labada dhinac u socda ee ganacsiga la xidhiidha, waxaanay halkaasi weftiga itoobiya ka balan qaadeen inay hanweyni u qabaan dekedda Berbera, sidii ay waxna uga dhoofin lahaayeen, waxna uga soo degi lahaayeen, waxaanay weftigu ballanqaadeen inay mudnaanta siin doonaan sidii dhakhso loogu bilaabi lahaa dhismaha jidka isku xidha Itoobiya iyo Somaliland.

Xubnihii ku wehelinayey Madaxweynaha kulankaasi dhanka Somaliland waxa ka mid ahaa:-

Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Ganacsiga Eng Xuseen Aadan Cige (Deyr), wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Mudane Cali Xasan Maxamed, Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), iyo Xogahaya gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali Axmed,

Dhanka Weftigana waxa shirkaasi ka qaybgalay

  1. Mr Regasa Kefalewu: State Minister, Ministry of foreign Affairs (Head of Delegation)
  2. Mr. Gebre Egzabher : State Minister, Agriculture/Livestock and Natural Resource
  3. Am Suleman Dedefo: Director General, IGAD & Neighboring Countries
  4. G Bereh Tesfay: Consul General, Office of Ethiopian Consulate General in

Somaliland

  1. Mekonen Gossaye: Deputy chief of cabinet, Ministry of foreign Affairs
  2. Roba Megerssa: Deputy Director, Maritime Authority
  3. Cherkos Techane:  Director, Customs
  4. Besfat Gashaw: Legal Officer, Ministry of foreign Affairs
  5. Ageze Amelo: Counsellor, Political & Economic Affairs

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews