Dawladda Itoobiya Oo Si Taxaddar Leh Oo Kooban uga Hadashay Dhacdadii Dadka Badan Lagu Laayey Deegaanka GAASHAAMO
June 12, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu shalay qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafti ballaadhan oo ka socda dawladda Federaalka Itoobiya, waftigaas oo uu hoggaaminayey wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Regasa Kefalewu, waxa uu ka koobnaa sagaal xubnood oo ay ku jireen wasiirudawlaha beeraha/xoolaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee Itoobiya, Qunsulka Itoobiya u fadhiya Somaliland G. Bereh Tefay iyo masuuliin kale oo sare, waxa aanay kulan ballaadhan qasriga kula yeesheen madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirrada madaxtooyada, xanaanada xoolaha, hawlaha guud iyo ganacsigu.