berberatoday.com
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Wasiirka Caddaaladda Ka Diiday Rukhsad Kala Noqoshada Guuleed
June 12, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudd. maxkamadda sare, maxkamadda dastuuriga ah iyo guddida caddaaladda ee Somalilanda mudane Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa maalintii shalay soo saaray qaraar uu ku diidayo codsi uga yimid wasiirka caddaaladda oo ahaa in rukhsadda qareennimo lagala noqdo Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Guuleed Axmed Jaamac.

dddd

Warqad jawaab celin ah oo maalintii shalay ka soo baxday maxkamadda Sarre ee Jamhuuriyadda Somaliland, laguna socodsiiyey wasiirka wasaaradda caddaaladda, ogeysiinna la siiyey Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac, Xeer-ilaaliyaha guud, guddoomiyaha guddida rukhsad-bixinta iyo anshax-marinta qareennada iyo ururka qareennada ayaa uu guddoomiyaha maxkamadda sare ku diiday codsigaas oo uu wasiirku ku sababeeyey in Guuleed Axmed Jaamac uu isku hayo laba sahqo oo ah in uu yahay qareen isla markaana yahay guddoomiyaha xuquuqal insaanka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare waxa uu qoraalkiisan ugu sheega wasiirka Caddaaladda in nidaamka sharci ahaan loo mari karo rukhsad kala noqoshada garyaqaanka aanay taasi ku jirin, cidda ka qaadi karta rukhsadduna ay tahay guddida Rukhsad siinta iyo anshax marinta qareennada, waxa kale oo uu guddoomiye Aadam Xaaji Cali ku sheegay qoraalkan in marka qareenka la anshax marinayo loo baahan yahay in la caddeeyo sababta keentay isla markaana qareenkaas xaq loo siiyo in uu isu difaaci karo si sharciga waafaqsan. Waxa kale oo uu guddoomiyaha maxkamadda sare wasiirka u sheegay in aanu jirin sharci qofka u diidaya in isaga oo ku shaqaysta xirfaddiisa qareennimo haddana uu ka tirsanaan karo haayad xuquuqal insaan ama mid bulsho. Haddiiba ay dhacdo in dacwad uu gacanta ku hayo loo arko in ay dantiisuna ku jirto oo ay noqonayso waxa loo yaqaanno maslaxado is burinaya (Conflict of interest) waxa keliya ee xaq qareenka loogu leeyahay ay tahay in dacwaddaas laga saaro, balse aan rukhsadda gebi ahaanba laga qaadi karin.

Ugu dambayntiina Guddoomiya maxkamadda sare Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed waxa uu qoraalkiisaa ku socda wasiirka ku yidhi, “Mudane wasiir, Guuleed Axmed Jaamac, wuu sii wadanayaa ku shaqaysigiisa xirfada qareennimo, maxkamadaha Somaliland, Hay’adaha maamulka hortooda iyo meelaha kale ee looga baahan yahay rukhsadda Qareennimo, isaga oo ku meteli doona macmiilkiisa (Dadka uu difaacayo) maxkamadaha kala duwan ee jamhuuriyadda Somaliland, dacwadaha idaariga ah, iyo meelaha kale ee looga baahan yahay”

Waxa aanu guddoomiyuhu sheegay in haddii Guuleed loo haysto arrin xaga anshaxa ah ama qodob sharci ah oo uu jebiyey, loo mariiayo si sharci ah oo xeerarka dalka waafaqsan, go’aankana ay soo saarayaan guddida anshax marinta iyo rukhsad bixinta qareennada Somaliland.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews