berberatoday.com
Hargeysa: Ammaanka Masaajidka Cali Mataan Oo Dawladdu Adkaysay Iyo Sheekh Maxamed Aadan Oo Ka Hadlay
June 12, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ah Khadiibka Masaajidka badhtamaha Caasimadda Hargeysa ee Cali Mataan , ayaa ka hadlay Dedaallo Ciidammada Booliisku ku sugayaan ammaanka Guud ee Masaajidkaasi, maaddaama oo lagu jiro Bisha Ramadaan isla-markaana Dadka Masaajidka ku cibaadeystaa badan yihiin, jiraana Tuug iyo Dad Waalan oo Mararka qaarkood Dadka dhiba.

Sheekh Maxamed Aadan oo daba socday Warar laga baahiyey oo ahaa inuu hore u sheegay inuu ka quustay Laamaha Ammaanka oo uu codsiyo u diray, ayaa sheegay inaanu marnaba ka cabanin Laamaha Ammaanka Dawladda, laakiin Hadalkiisa la duway oo loo sameeyay Macno kale.

Sheekha oo Shalay u Warramayey Telefiishanka STAR, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Waxaan kala hadlay in Masaajidka la ilaaliyo, oo Qofka Waalan iyo Tuugga Masaajidka Kabaha ka xadaya halkooda lagu qabto, taasina ay u baahan tahay Ciidan, waayo? Ciidanku sharaftiisa ayuu huwan yahay, arrintaa Dawladda iyo Dadkaba waan kala hadlay. Waxaan Wararka qaarkood ku maqlay (oo la baahiyey) inaan Anigu idhi waan ka quustay Dawladda iyo Wasiirka Arrimaha gudaha, laakiin Maan odhanin Sidaa, ee waxaan idhi Nabadgalyada hala ilaaliyo.”

Sheekh Maxamed waxa kale oo uu sheegay, “Taliyaha Booliisku jawaab fiican bay ka bixiyeen (Codsigii ahaa) in Ammaanka Masaajidka la ilaaliyo, oo Tuugta iyo Dadka waalan ee dadka dhibaya laga qabto. Ciidankuna dedaal badan bay sameeyeen (oo ay Ammaanka Masaajidka ku sugayaan), haddana wax dhibaato ahi ma dhicin mana jirto.” Ayuu yidhi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews