berberatoday.com
Maxamed Cali Kalaay: Horyaalkii Feedhka Iyo Haldoorkii Muslimiinta USA Kamaal A. Cali…(Qaybta 4aad)
June 12, 2016 - Written by Berbera Today

1Mar kale oo ahayd sannadkii 1975kii ayaa ay Maxamed Cali is barteen haweenay Feroonika Boorsh (Veronica Porsche) oo ah jilaa filimada metesha iyo sidoo kale qolyaha dharka xayeysiiya. Maxamed Cali Kalaay iyo Feroonika Boorsh waxaa dhex maray xidhiidh adag iyo qiso jacayl oo aad u dheeraatay, aakhirkiina gaadhay in uu Maxamed Cali Kalaay furo xaaskiisii afarta carruur ah u dhashay ee Khaliilah, bilowgii 1977kii ayaanu guursaday Feroonika Boorsh oo u dhashay laba hablood oo uu u kala bixiyey Hana iyo Layla oo iyadu noqotay gabadha illaaa hadda ugu caansan ubadka uu dhalay Maxamed Cali Kalaay.

Layla oo ah ilmaha siddeedaad ee Sagaalka carruur ah ee uu ifka kaga tegey Maxamed Cali Kalaay, waxa ay dhalatay bishii Diisambar 1977kii waxa ay raacday xirfaddii feedhtanka ee aabaheed, guulo badan ayaanay ka soo hoysay feedhka muddadii ay ku jirtay. Hadda ciyaaraha feedhka fudud iyo nooca loo yaqaanno culayska khafiifka ah waa ay ka fadhiisatay, muddadii ay ciyaari jirtay waxaa lagu tilmaami jiray, Shinnida qaniinyada kulul. Wax yaabaha ay aabaheed ka shabbahaysayna waxaa ka mid ah guulaha feedhka ee is-daba joogga ah, iyada oo 24 ciyaarood oo ay ciyaartay ku guulaysatay 24 kiiba, weligeed intii ay ciyaaraysayna aan mar keliya guul-darraysan.

Layla feedhka oo keliya kuma ay shaqaynsan, balse 16 jirkeedii oo ah isla markii ay ka qalin jebinaysay kuliyadda ganacsiga, intii aanay bilaabin mihnadda Feedhtanka, waxa ay ku shaqaysan jirtay goob dumarka lagu qurxiyo oo ay iyaud lahayd.

Feedhtanka waxa ay gashay 18 jirkeedii, iyada oo si kedis ah xilli ay daawanaysay ciyaar feedhtanka dumarka ah u qaadatay go’aanka ah in ay iyaduna mihnaddaas bilowdo oo weliba kaalintii aabaheed ka gaadho. Laakiin Layla markii ay u tagtay aabaheed ee ay u sheegtay mihnadda ay doonayso ee feedhtanka aad ayaa uu uga xumaaday, waayo waxa uu u arkayey in ay tahay shaqo aad u khatar badan. Si kastaba ha ahaato ee dood dheer kadib Layla waxa ay aabaheed ku qancisay in uu mihnaddaas raalli uga noqdo, iyada oo ereyada ay maalintaas qalbiga ugu dejisay ay ka mid ahaayeen in ay la dagaalamayso feedhyahanno dumar ah, oo aanay rag is arkayn, iyaduna is og tahay in dumarka ay ka xoog badan tahay oo ay wax badan ka sidato hidde-sidayaashii aabaheed. Bishii Oktoobar 1999kii ayaanay ku guulaysatay ciyaarteedii ugu horreysay ee warbaahinta dunida oo dhami si aad ah u lafa gurtay, in kasta oo marka guusheeda yaabka leh laga yimaaddo sababta labaad ee xiisaha warbaahintu ay ahayd taariikhda aabaheed Maxamed Cali Kalaay.

Dhacdooyinka aan Feedhka ahayn ee lagu xasuusto Maxamed Cali Kalaay

Maxamed Cali Kalaay waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay feedhyahankii taariikhda ugu maamuusidda iyo billadaha badnaa ee soo maray dunida. Sannadkii 1999kii golaha feedhka ee caalamiga ah ayaa fadhi ay yeesheen u codeeyey in Maxamed Cali Kalaay loo aqoonsado in uu yahay feedhyahankii qarniga, lix sano kadib oo ahayd 2005tii madaxweynihii xilligaas ee Maraykanka George Bush ayaa Maxamed Cali guddoonsiiyey billadda loo yaqaanno Xorriyadda, “The Independence” oo uu ku mutaystay kaalinta uu ka qaato hawlaha bani’aadamnimada oo uu xoog iyo dhaqaalaba gelin jiray, sannadkii 2012ka waxaa Maxamed Cali loo xushay in uu isagu calanka astaanta ah u qaado furitaanka ciyaaraha olambikada oo sannadkaas lagu qabtay dalka Ingiriiska, isla munaasabaddaas ayaana lagu gudoonsiiyey naanaysta ah, The Greatest “Kii ugu weynaa” magacaas oo sida aynu qaybihii hore ku soo aragnay uu markii hore isagu la baxay bilowgii ciyaarihiisa feedhtanka, laakiin markii dambe uu aad u qoomameeyey, isaga oo sheegay in uu ahaa qalad weyn oo uu galay maadaama oo aanay cidi sheegan karin the Greatest oo uu yahay sifo uu Alle oo keliyi yeelan karo.

Sidoo kale Maxamed Cali Kalaay, naanaysaha ammaanta ah ee uu mihnaddan Feedhtanka kula baxay waxaa ka mid ahaa, “Boqorka Feedhka, Ninka ugu feedhka dhaqsaha badan, iyo qaar badan oo la mid ah.

Dadka ka agdhowaa Maxamed Cali Kalaay waxa ay sheegaan in uu ahaa nin aad uga baqa fuulidda diyaaradaha, iyo guud ahaanba koridda meelaha dhaadheer, waxase yaab leh in mar ay dhacday in uu badbaadiyey nolosha wiil doonayey in uu is dilo. Waqti ka mid ahaa sannadkii 1981kii ayaa uu Maxamed Cali Kalaay si kedis ah u arkay wiilkan oo iska soo laalaadiyey mid ka mid ah sallaamada badbaadada ee dabaqa sagaalaad ee mid ka mid ah cimaaradaha dhaadheer ee magaalada Los Angeles. Sida ka muuqata filim laga daawan karo barta youtube ee internet ka oo magaciisu yahay Ali Saves a man. (Cali ayaa nin badbaadiyey), Maxamed Cali ninkan quusta nolosha ka gaadhay ee geerida raadinayey inta uu tegey daaqadda uu taagnaa mid aan ka fogeyn ayaa uu u jeediyey hadallo waano iyo u caqli celin ah, oo aakhirkii ku guuleeyey in ninkii dhalinyarada ahaa ka joogsado iskudaygii naftiisa uu ku dilayey. Kadib Maxamed Cali Kalaay ninkan waxa uu ku qaaday gaadhi nooca qaaliga ah oo uu watay, waxa aanu geeyey dhakhtar nafsi ah oo uu isagu ka bixiyey kharashka daweynta oo dhan.

Ergadii Maxamed Cali Kalaay ugu tegey Saddaam Xuseen:

Wargeyska Geeska Afrika waxaa kale oo u suurtogalay in uu daawado filim labaad oo isla barta youtube ee internet ka ku jira magaciisuna yahay, “Ali Saddaam” kaas oo laga arkayo kulankii taariikhiga ahaa ee bishii Noofambar sannadkii 1990kii dhex maray Maxamed Cali Kalaay iyo madaxweynihii la dilay ee Ciraaq Saddaam Xuseen. Xilligaas waxaa dhammaaday dagaalkii koowaad ee Khaliijka oo ahaa dagaalkii loo bixiyey Duufaanta lama degaanka ee Maraykanka iyo xulafadiisu ay ku qaadeen dalka Ciraaq, gaar ahaan ciidamadii Ciraaq ee xoogga ku qabsaday dalka Kuweyt  La soco…

https://www.youtube.com/watch?v=UgDrjwN02rM

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews