berberatoday.com
Milletariga Somaliland Oo Ku Ruqaansaday Deegaanno Ku Teedsan Xuduudka Itoobiya Oo Dadka Ku Dhaqani Ka Cawdeen Ciidammada Liyuu Booliiska
June 12, 2016 - Written by Berbera Today

Waxay Gaadheen Degmada Balli-dhiig Oo Liyuu Booliisku Ku Jarjareen Calanka Jamhuuriyadda Somaliland

Balli-dhiig(Berberatoday,com)-Cutubyo ka mid ah Ciidammada Milletariga iyo Booliiska Somaliland, ayaa Doraad gaadhay Degmada Balli-dhiig ee Gobolka Togdheer, taasi oo ka mid ah Degmooyinka ku teedsan Xuduudka Somaliland la wadaagto Itoobiya.

Ciidammada Milletariga iyo Booliiska ee Socodkoodu aanu ku koobnayn Degmada Balli-dhiig, balse gaadhaya inta badan Tuulooyinka Gobolka Togdheer ee ku teedsan Xuduudka Somaliland la wadaagto Itoobiya, ayaa iyaguna waxa Shalay ka daba tagay isla-markaana gaadhay Degmada Balli-dhiig Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, Taliyeyaasha Ciidammada Milletariga iyo Booliiska ee Gobolka Togdheer.

Badhasaabka Togdheer, oo socdaalka Ciidammada Milletariga iyo Booliiska ee Balli-dhiig u xaqiijiyey Warbaahinta, ayaa sheegay in Ciidanka iyo Weftigiisuba halkaa u tageen Xog-ogaal u noqoshada Cabashooyin Dadka Reer Somaliland ee Aaggaas ku dhaqani ka muujiyeen Ciidammada loo yaqaanno Liyuu Booliiska ee Kililka Soomaalida Itoobiya, kuwaasi oo Maalmihii u dambeeyay ku soo noqnonayey Deegaannada Xuduudka ku teedsan ee Balli-dhiig ka mid tahay.

Ciidammada Milletariga, Booliiska iyo Weftiga ka socda Maamulka Gobolka Togdheer ee socdaalka ku maraya Deegaannadaasi, ayaa ku soo beegmaya Laba Maalmood uun ka dib, markii sida la xaqiijiyey Ciidammada Liyuu Booliiska oo dhanka Somaliland u soo gudbay jarjareen Calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo sudhnaa meherad ku taalla Degmada Balli-dhiig.

Sidoo kale, Ruqaansiga Ciidammada Somaliland ku gaadheen Balli-dhiig isla-markaana ku marayaan deegaannada kale ee Xuduudka ku teedsan, ayaa imanaya Toddobaad ka dib, markii Ciidammada Liyuu Booliisku Dad tiradooda lagu sheegay 24 Qof oo Carruur iyo Dumar u badan isla-markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ku xasuuqeen  deegaanka Jaamac Dubbad oo ka tirsan Degmada Gaashaammo ee Gobolka Jarar ee Kililka Soomaalida Itoobiya.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews