berberatoday.com
“Allay Lehe Kanaa Waali Cas Ah! Ina Cali Waraabe Qof Dhan Oo Caadi Ah Maaha, Isaga Ayaa Iska Hor Iyo Daba Imanaya!!!”Mujaahid Cali Guray
June 13, 2016 - Written by Berbera Today
“Allay Lehe Kanaa Waali Cas Ah! Ina  Cali Waraabe Qof Dhan Oo Caadi Ah Maaha, Isaga Ayaa Iska Hor Iyo Daba Imanaya!!!” ..Cali Guray

Mujaahid Cali Guray Oo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe Ku Tilmaamay Nin Haddii La Sugo Isagu Isku Markhaati Furaya

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa si ba’an u dhaliilay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Injineer Faysal Cali Waraabe oo uu ku sifeeyey shakhsiyad aan lahayn meel loogu soo hagaago oo iska hor iyo dabo imanaya sidoo kalena khiyaameeyey sida uu hadalka u dhigay Musharrax Jamaal Cali Xuseen iyo guud ahaan siduu Cali Guray ku dooday xisbiga UCID.
Mujaahid Cali Guray oo daba socda kulankii shalay labadooda dhinac ee xisbiga UCID isku haya loogu dhagaystay dacwaddooda ee ay isku dhagaysanayeen Guddida Diiwaan Gelinta Ururrada Siyaasadda, ayaa waxa uu Cali Guray oo dhaliilaya Faysal Cali Waraabe qoraal uu Facebook ku baahiyey waxa uu ku yidhi sidan: “Faysal aakhirkana kama xishoonayo inu isku marag furo isaga laftiisu. Khilaafka UCID waa loo wada joogi waxa uu sharcigu ka qabo oo ku daali maayo kana hor degi maayo sidiisa. Bal day wuxu ku leeyahay “been baan sheegayay oo beenaale ayaan ahaa isaga ayaa qiranaya. Khaayin baan ahay oo hadii la i aaminay ciddii i aamintay waan khiyaamaynayay ilayn khaayin baan ahaye isaga qiranaya, oo weliba ku daraya wacad aan galay weligayba ma oofin ayuu weliba la soo taagan yahay. Ma taas ayaan Waali Cas ahayn. Sida maanta gartiisa iiga muuqatay wax jira oo UCID la yidhaa oo awoodba leh waa isaga iyo Shirwaynaha. Isma waydiin mudada u dhaxaysa laba Shirwayne kii dhacay January 2012 iyo ka soo socda ee Janaury 2017 haya’dda ugu awooda saraysa xisbiga ma Faysal Cali Waraabaa la yidhaa mise Golaha Dhexe. Go’aanada Golaha Dhexe ma isaga ayaa warqad uu qoray ku burin kara mise Shirwaynaha oo keliya ayaa awood u leh?
Waxa inooga jawaabi sharciga bal Faysal iyo Golaha Dhexe ka awood badan ee aan sugno.
Anigu waan soomanahay walaahi in aanan wax aan xilka UCID ku falayo iyo baahi ii haysa midna jirin. Gebi ahaanba UCIDna muraad kale kamaan lahayn ee waxan lahaa maalin ha gaadho inu noqdo xisbiga ka taliya Somaliland waana tii ta uu igu haysto Faydal. Bal ka waran oo adigu qiimee qofka Neceb inta jecel guusha UCID ee ku jecel inta leh ha guul daraysto eh burburi. Waa WAALI CAS wax kale oynu odhan karnaa ma jirto. Waar iska daa cid kale eh kuwii isticmaalayay ayaa nacay oon hoodh maanta ku qoysanayn dan iyo muraadna ka lahayn ilayn kuwa uu qandaraaska ka soo qaatay iyo kuwii maalintii gudaafadda lagaga tegay u soo gurmaday wax u kala qarsooni ma jiraan oo waa isku habar keliya eh. Maanta iyagu way ogyihiin burburka UCID in aan wax dan ah oo ugu jirtaaba aanay jirine yuu u burburinayaa xisbigiisa. Hadii fursadan maanta UCID lumiyo iska daa xisbi xaakim uu noqdo eh iga gunta maantaba wujuudka magaciisu wuu ka tirtirmi doonaa waana ta ay rabaan qolada irbadda sunta ah kaga soo mudda xaga Burco iyo barigeeda” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Cali Guray.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews