berberatoday.com
Itoobiya Iyo Eritrea Oo Mar Kale Dagaalamay
June 13, 2016 - Written by Berbera Today

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dagaalo xooggan oo u dhaxeeya Milateriga Itoobiya iyo kuwa Eritrea ayaa shalay oo axad aheyd ka dhacay xuduuda labada dhinac ku muransan yihiin.

ethiopia-army

Rasaas culus oo labada dhinac is weydaarsadeen ayaa laga maqlay aagga ay labada ciidan isku hor-fadhiyaan ee dhanka xuduuda ah.

Dadka ku nool magaalada Tserona ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay inay maqleen rasaas culus subaxdnimadii hore ee Axadii, isla markaana ay arkeen ciidamo badan oo wata hubka culus oo ku wajahan xuduuda Eritrea.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya ayaa BBC u sheegay in aanu ka warqabin wax dagaal ah oo ka dhacay xuduuda.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa muddo dheer ku muransanaa deegaano dhaca xuduuda ay labada dal wadaagaan, waxaana Qaramada Midoobey ay deegaanadaas u xukmisay Eritrea, balse Itoobiya ayaa diiday go’aankaas.

Deegaanka labada dhinac isku hayaan ayaa lagu magacaabaa Badhame, halkaasoo dagaalo qaraar uu ka dhacay sanadihii 1998-2000.

In ka badan boqol kun oo ruux ayaa ku dhintay dagaalada socday labada sano ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Eritrea, ka hor inta aan sanadkii 2000 la soo afjarin dagaaladaas.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews