berberatoday.com
Kulankii Komishanka, Soo Jeedintii Muuse Biixi Ee Kala qaadista Doorashada Baarlamaanka Iyo Madaxtooyadda, Taageeraddii Faysal Cali Waraabe Iyo Diidmaddii Waddani
June 13, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Komishanka doorashooyinka iyo axsaabta siyaasadda Somaliland ayaa shalay kulan wadahadal ah oo ay isku hor fadhiisteen kaga wada hadalay arrimaha diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo doorashooyinka, isla markaana kulankaa waxa hogaaminayay komishanka doorashada oo u yeedhay sadexda xisbi qaran.

Siday tibaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo lagu kalsoon yahay oo u dhuun dalloolay kulankaasi, komishanka doorashooyinku waxay warbixin ka siiyeen madaxda xisbiyadda halka ay marayso hawsha diiwaangelintu, isla markaana waxay u sheegeen in komishan ahaan ay diyaar u yihiin fulinta hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee deegaanadda bariga, balse aanay weli dhanka xukuumadda ka helin goobihii la dhigi lahaa sanaaduuqda ee bariga Sanaag iyo qaybo Sool ka mid ah.  Xoggahaasi waxay intaa ku dareen, in komishanku sidoo kale uu u qadimay xisbiyadda dareenka qaadhaan bixiyayaasha Somaliland ka saacidda doorashooyinku ay ka qabaan qabsoomida doorashada, isla markaana waxay muujiyeen in dhegaha qaadhaan bixiyayaasha ay buuxiyeen warar sheegaya in doorashada baarlamaanka iyo ta madaxtooyadda la kala qaadayo, sidaa aawadeedna uu mawqifkoodu yahay haddii la kala qaado doorashada,  in aanay bixin doonin kharashka doorashada dib loo dhigo, ee ay  Somaliland is deberto oo bixiso.

Xogaha Ogaal ka helay kulankaasi waxay tibaaxeen, in madaxda axsaabtu ay ka hadleen dhinacoodda arrimahaa, isla markaana Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa madaxdii ka qayb gashay uu halkaa ka soo jeediyay, in madaxda sadexda xisbi ay wadahadal ugu tagaan Nairobi qaadhaan bixiyayaasha. Siday xoggahaasi tibaaxeen Gudoomiye Faysal wuxuu dhaliilay cid aanuu xusin ee wararkaa gaadhsiisa qaadhaan bixiyayaasha, waxaanuu Taageeray  kala qaadista doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda, isla markaana wuxuu xusay xog urrurintii Guddiga baarlamaanka ka sameeyay goboladduna in aanay helin xisbiyadu. Dhanka kale Gudoomiye Muuse Biixi ayaa isna la sheegay inuu kulankaa ka caddeeyay mawqifkiisa kala qaadista doorashada, isla markaana uu soo jeediyay in la kala qaado doorashada baarlamaanka iyo ta Madaxtooyadda. Gudoomiye Muuse Biixi wuxuu taa ku sababeeyay xeerarkii doorashada Baarlamaanka oo aan diyaar ahayn iyo saami qaybsiga kuraasta oo aan laga heshiin. Hase yeeshee madaxdii xisbiga Waddani ee kulankaa ka qayb gashay ayaa iyagu xisbi ahaan diiday in la kala qaado doorashada, isla markaana sheegay in aanay ogolayn in la kala qaado doorashada. Sidoo kale Xisbiga Waddani wuxuu taageeray mawqifka qaadhaan bixiyayaasha ee ku wajahan kala qaadista doorashooyinka, kaasoo ay ku tilmaameen mid ay xaq u leeyihiin haddii aan doorashada loo qaban sidii balantu ahayd ee Maxkamadu go,aamisay.

Wararku waxay intaa raaciyeen in dhinacyada ka qayb galay kulankaasi ay u balameen kulamo kale. Ma jiraan warar madax banaan oo si toos ah uga soo baxay dhinacyadaasi.

 

 

 

Xigasho Ogaal

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews