berberatoday.com
Dhalinyaraddii ku Xidhnaa Fikirkooda oo laba jeer Maxkamadu fasaxday Iyo Madaxtooyadda oo Weli ku Haysa Saldhiga dhexe+ Taliye Fooxle oo mid uu adeer u yahay Kusii Daayey Reernimo kuwii kalena Ehelladooda ka Qariyey
June 14, 2016 - Written by Berbera Today

Dhalinyaraddii mdaxtooyaddu dhibsatay doodoodii ay kaga soo horjeesteen wareejinta Dekedda Berbera, isla markaana ay shan kamid ah xabsiga ku guurtay ayaa maalintii labaad Maxkamada  Degmada Hargeysa ku wayday wax danbi ah oo loo haysto.
Maxkamada ayaa horjoogsatay dalab uga yimi madaxtooyadda kaasoo nuxurkiisu ahaa inay muddo todobaad ah u diraan dhalinyaradan u xidhan fikirkooda u diraan Rummaan. Hase-yeeshee waji gabax kaddib waxa ay madaxtooyaddu afar kamid ah dhalinyaradda dib ugu celisay Saldhigga dhexe iyadoon wax ogolaansho ah ka haysan Maxkamadda iyo Hayadaha cadaaladda inay jeelka ku sii hayaan dhalinyaraddan.
Halka mid kamid ahaa Shanta Maxbuusna oo uu adeer u yahay Taliye ku-xigeenka Ciidamada Boolisku Janaraal Fooxle uu ku sii daayey adeernimo iyo sifo reernimo. Waxana weli Saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa ku xidhan afar dhalinyarro ah oo madaxtooyaddu ka damqatay dood ay ku baahiyeen warbaahinta kala duwan ku aroortay heshiis xukuumaddu damacsanayd inay la gasho shirkadda Dp World. 
Si kastaba ha ahaatee Asxaabta mucaaridka ah iyo sidoo kale dhalinyaradda reer Somaliland ayaa si kulul xukuumadda ugu canaantay xadhiga dhalinyaradan waxanay ku tilmaameen inuu yahay mid sharciga ka fog.
W/Q
Hodan Cali Faarax 
Hargeysa/somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews