berberatoday.com
Hargeysa:Tirada Dhimashada Iyo Dhaawaca Ka Dhashay Roob Da’ay.
June 14, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ugu yaraan Afar qof ayaa ku dhimatay 23-kalena way ku dhaawacmeen magaalada Hargaysa,kadib markii roobab laxaad leh oo dabaylo wata uu xalay ku dhuftay magaalada.

Geerida dadka dhintay ayaa la sheegay inay sababeen guryo dumay, xarkaha korontada oo soo go’ay iyo qaar ay ku dhaceen jiingadaha dabaysha la socotay roobka ay fujisay.

Dadka magaalada ayaa sheegay in roobkan uu billowday wax yar kadib salaaddii maqrib muddo koobanna uu socday balse uu keenay khasaare laxaad leh oo ah dhimasho iyo burbuka guryaha.

Geedo badan oo kuwa magaalada ku yiillay ah ayaa la sheegay inay dabayshu ridday ama laamihii ay ka daateen.

Xadhkahan laydhka ee uu roobku daadiyay ayaa saamayn ba’an ku yeeshay dadka reer Hargeysa iyagoo dareen argagax leh ka muujiyay xadhkahaa uu laydhku daadiyay wadooyinka magaalada dhexdeeda.

Saddexda ruux oo ku kala dhintay degmooyinka Gacan Libaax, 26 Juun iyo Axmed Dhagax, mid ka mid ah oo haweenay ah waxaa gurigeeda ku soo dumay fooq dhismihiisu ka socday guriga dhinaciisa, kaas oo sababay in uu dumiyo gurigii oo ay gabadhaasi ku ku dhimatay, laba ruux oo kalanak u dhaawacmeen, halka nin waayeel ahna uu xaafadda Goljano ku qabsaday laydh ka dhashay xadhig go’ay oo biyaha dhex galay, ninkaas oo dhaawac ahaan loo geeyey cisbitaalka weyn ayaa isna waqti gaaban kadib halkaas ku dhintay, ninka kalana waxaa ku soo dumay deyr.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay Cusbitalka Hargeysa ku booqday dadkii ku wax yeeloobay roobabka, isla markaana waxa uu ilaahay uga baryay inuu caafimaad sareecan ah siiyo.

Roobabka oo galabnimadii gaabnayd da’ay awgeed khasaaraha ma’ay suurtogelin in si buuxda xalay loo soo wada koobo, waxa aana jirtay cabsi ah in uu intaas ka sii badan karo, lagana yaabo in guryaha qaar dad ku dumeen, sidaa awgeed waxaa xalay heegan aad u sarreeya la geliyey gawaadhida gurmada deggdegga ah ee dhoolliga loo yaqaanno iyo sidoo kale dab-demiska waxa aana bulshada looga digayey in ay ka feejignaadaan xadhkaka laydhka.

Marka laga tago dhibta uu gaystay roobkani waxa uu qaboojiyay magaalada oo maalmihii u dambeeyey aanu roob ka di’in dabaylo boodh badan kicinayaana ka jireen.

SSOMALILAND111

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews