berberatoday.com
Madaxweynaha Xamar Oo Xilkii Ka Qaadey Taliyihii Hay’adda Nabadsugida Iyo Sirdoonka Dawlada Xamar Ee NISA
June 14, 2016 - Written by Berbera Today

Moqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil ka qaadis ku sameeyey Taliyihii Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

tuuryare

Madaxweynaha ayaa xilka qaadista taliyaha u cuskadey qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xidhiidhtey  in isbeddel lagu sameeyo Hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Isla Xeerkan ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, ayaa waxaa si ku meel  gaadh  ah xilka Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) , loogu magacaabay Sareeye Gaas.

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, Sareye Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa waxaa loo magacaabey inuu noqdo La-Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.

Xeerkan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa dhaqangalayaa maanta oo taariikhdu ay tahay 14 June 2016.

Jen. C/raxmaan Tuur Yare oo ah dhalinyaro ayaa xilkan loo magacaabay sanadkii 2014, dadka yaqaana arrimaha sirdoonka iyo Nabadsugida ayaa ku dhaliilayay in aanu waayo aragnimo iyo aqoon u laheyn xilka loo magacaabay.

Waa taliyihii 3aad ee xilka qaadis lagu sameeyo saddexdii sano ee u dambeysay, iyadoo afartii sano ee la soo dhaafay xilka Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ay soo mareen illaa afar Taliye.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews