berberatoday.com
Maxamed Cali Kalaay: Horyaalkii Feedhka Iyo Haldoorkii Muslimiinta USA Kamaal A. Cali…(Qaybta 4aad) –
June 14, 2016 - Written by Berbera Today

In kasta oo dagaalkan ay Maraykanka iyo xulafadiisu si weyn ugu jebiyeen ciidamada Ciraaq ee Kuweyt qabsaday, haddana waxaa Ciraaqiyiinta u suurtogashay in ay gacanta ku dhigaan 15 ka mid ah ciidamadii Maraykanka ee dagaalka ka qayb qaadanayey arrintaas oo xiisad xoog ah ka abuurtay gudaha Maryakanka.

1

Maxamed Cali Kalaay oo xilligaas ay sii xumaatay xaaladdiisa caafimaad maadaama oo uu markaas waqti ku dhowaa 10 sano qabay cudurka Parkinson oo sida aynu hore u soo xusnay dila maskaxda iyo hab-dhiska neerfayaasha, marar badanna qofka hadalka ku xidha, ayaa ku tabarucay in uu isagu ka ergeeyo Saddaam Xuseen in uu sii daayo askartaas tirada badan. Waxa uu u safray magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq, waxa aana fiidyowga ka muuqda Saddaam Xuseen oo si aad u karaamo badan u soo dhoweynaya. Sida wararku xilligaas sheegeen Saddaam si aad u qurux badan oo qalbi furan ayaa uu u soo dhoweeyey Feedhyahanka Muslimka ah, casuumad ballaadhan oo qado ah ayaana isaga iyo masuuliyiinta sare ee xukuumaddiisu ku qaabileen. Fiidyowga Geeska Afrika arkay oo laga duubay kulan sida muuqata ah kii uu Maxamed Cali Kalaay ugu gudbiyey Saddaam Xuseen ujeedada socodaalkiisa ee ah in uu ka ergeeyo askartaas oo uu doonayo in la sii daayo, waxaa laga maqlayaa Saddaam Xuseen oo si kal-furnaani ka muuqato Maxamed Cali Kalaay cod saafi ah ugu leh ereyo afka carabiga ah oo macnahoodu yahay, “Nagama suurtogelayso in Xaaji Maxamed Cali uu dib nooga noqdo isaga oo aan wadin raggaas Maraykanka ah” sidii ayaana ay u dhacday oo Saddaam Xuseen askartii maxaabiista ahayd waa uu cafiyey isla diyaaraddii gaarka ahayd ee uu Maxamed Cali watay ayaanay dib ugula safreen dalka Maraykanka oo si aad ah loogu soo dhoweeyey Maxamed Cali, oo la xaqiiqsaday halyeeynimadiisa. La soco…

Maxamed Cali Kalaay lacag badan baa soo gashay laakiin fara madhnaan ayuu la hoyday

Maxamed Cali Kalaay intii uu qaatay diinta Islaamka, sida dadka yaqaannay ay sheegaan waxa uu noqday nin aad ugu fiican kuna dheggen ku dhaqanka diinta Islaamka, Quraan akhris iyo soon badan, sannadkii 1972kiina waxa uu soo gutay waajibaadka xajka, waxa aanu caado ka dhigtay in mar kasta oo uu tartan gelayo uu marka hore Qur’aan sii akhristo, gaar ahaan suuradda Faatixada oo uu joogto u akhrisan jiray feedhtanka ka hor.

Sidoo kale waxa uu ahaa nin aad u gacan furan oo la sheego in uu dadka baahan si aad ah wax u siiyo. In kasta oo uu lacag aad u badan ururiyey intii uu ciyaaraha Feedhka ku jiray, laakiin haddana adduunyadiisu uma ay raaxo badnayn sida inta badan looga bartay dadka sidiisa caanka ah ama meel sare ka gaadhay mihnadahooda, sannadkii 1984 oo weli ahaa nin dhalinyar oo 42 sano oo keliya jiray waxaa qaddarka Alle ku dhacay cudurka khatarta ah ee Parkinson oo sida aynu hore u soo xusnay gariir ku keena qofka, waxa aanu ka fadhiisiyey noloshii caadiga ahayd oo dhan, oo waxa uu noqday bukaan ana guriga ka dheeraan karin, marka laga reebo marar dhif ah oo uu bannaanka u soo bixi jiray. Maxamed Cali Kalaay oo mar waraysi talefishan laga qaaday sannadkii 2000 la weydiiyey xaaladdiisa caafimaad waxa uu ku jawaabay, “Alle ayaa igu imtixaamay cudurkan, si aan wax ugu qaato oo aniga iyo dadkaba loo tuso n aanan ahayn kii ugu weynaa, sidii aan anigu la baxay, balse uu Alle yahay ka ugu weyn” The Greatest, waa ah magacii aynu soo sheegnay in uu la baxay mar laakiin ka toobad keenay.

Maxamed Cali Kalaay walaal keliya ayaa uu la dhashay, waxaana lagu magacaabaa Rodolfo o isaga qudhiisu diinta Islaamka qaatay magaciisana u beddelay Raxmaan. Sannadkii 2013kii ayaa wargeyska ka soo baxa dalka Ingiriiska ee SUN waxa uu qoray war sheegaya in Maxmaed Cali Kalaay uu dardaarmay in haddii uu dhintoo lagu garab aaso labadiisa waalid oo ku aasan magaalada Louisville. Arrinta se dad badani ka biyo diideen, ee uu wargeyska qoray waxa ay ahayd in Maxamed Cali Kalaay uu sidoo kale dardaarmay in tiirarka qabrigiisa lagu qoroereyo uu lahaa Baadarigii xorriyadaha dadka madow iyo xuquuqda rayidka u halgami jiray ee Martin Luther King oo geeriyooday sannadkii 1968kii. Ereyadaas oo macnahoodu yahay, “Waxa aan isku dayey in aan cid jeclaado in aan bani’aadamnimada jeclaado oo aan u adeego, waxa aan si dhab ah u doonay in aan dadka gaajaysan guudiyo kuwa qaawanna dharka hu’ siiyo”

Maxamed Cali Kalaay waxa uu muddooyinkii dambe lacag aad u badan ku bixiyey barnaamijyada daweynta cudurka Parkinson iyo baadhitaannada cilmi ee xal loogu raadinayo, waxa uu dalka Maryakanka ka dhisay fooqaq iyo dhismayaal dhaadheer oo ku yaalla goballada Arizona, Kentucky iyo Michigan iyo sidoo klae xarun aad u heer sarraysa oo lagu magacaabo Maxamed Cali oo lagu daweeyo cudurkan Parkinson ka, sidoo kale Maxamed Cali intii uu noolaa waxa uu sameeyey oo uu hirgeliyey abaal mairn uu isagu leeyahay, oo sannad kasta la siiyo qofka qabta hawl bani’aamadnimo oo laga markhaati kacay.Dhamaad

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews