berberatoday.com
Sir Culus”Wasiir Cukuse Iyo Maamulayaasha Maxjarada Xoolaha Oo Uheshiiyay Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa.Lacag Sharcidaro Ah Oo Lagu Kordhiyay Xoolaha Dhoofaya Iyo Sanduuq Xisaabeed Dahabshiil Ka Furan Oo Lacagta Loogu Shubo Wasiir Cukuse Oo Fashilmay
June 14, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Dhawaan ayay aheyd markii Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdillahi Maxzamed Daahir(Cukuse)iyo Mulkiilayaasha Maxjarada Xoolaha lagu caafimaadiyaa Lacagta 2 dollar ah ku kordhiyeen Xoolaha ka dhoofaya dekeda Magaalada berbera gaar ahaan xoolaha Nooca adhiga ah ee Orgiyada iyo Wananka loo iib gayanayo dalalka Khaliijka Carabta, Waxaana hore Maxjarada xoolaha lagu caafimaadayaa neefka adhiga ah uga qaadi jireen 2 dollar halka hada laga dhigay 4 dollar oo aan la soo marin haayadihii sharaci dajinta dalka ee awooda ulahaa inay ansixiyaan lacaga ay kordhinayaan wasaaradaha dawlada iyo maxjarada xoolaha lagu caafimaadiyaa.

Wasiir Cabdillahi Cukuse ayaa lacagta kordhinteeda la kaashaday ama kuladhay Mulkiilayaasha Maxjarada Xoolaha lagu caafimaadiyo oo lacagta 2 dollar ah ka yeelan doona 1.7 dollar halka 0.3ga soo hadhayna Wasiirka xanaanada xoolaha opo aan shaqada xoolaha waxba ka aqoonin loogu shubi doono Sanduuq Xisbaabeed(Account) uu ka furtay shirkada xaawalada dahabshiil Sanaduuq Xisaabeedkaas oo Sumadiisu tahay BRBD2825 oo ka furan xaawalada Dahashiil laguna shubay lacagihii uhoreeyay oo aanu juwanadii lagu qabtay lacagtaas idiin hayo oo aanu qoraalkan kusoo bandhigi doono.

Warqada xanaanada2

Lacagta Labada Dollar ah ayaa sidaynu hore usoo sheegnay waxa qorshaha kordhintooda keenay Wasiirka Xanaanada xoolaha Cabdillahi Cukuse oo kaashanaya Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gureyaynta Cali Mareexaan si uu Madaxtooyada uga dhaadhiciyo in kordhinta lacagtaas loo ogolaado Wasiirka xaanada xoolaha oo ay shuraako ku yihiin Lacagta 0.3ga ah halka ay 1,7kana yeelan doonaan Mulkiilayaasha Maxjarada Xool;aha lagu caafimaadiyaa si qorshaha wasiirku wataa uhirgalo waana qorshe laga soo shaqeeyay oo khabiiro dhinaca xoolaha ah oo Wasiir Cukuse samaystay ay in Mudo ah ufadhiyeen sidii lacag Jeebka Wasiir Cukuse kudhacda loo Samayn lahaa qorshahaas oo hada umuuqda mid hirgalay oo Madaxtooyadana uu kasoo dhameeyay Wasiir Cali Mareexaan oo kamida raga Talada wadanka Gacanta kuhaya ee nalka madaxtooyada shida kana soo jeeda Beesha Madaxweyne Siilanyo ayaa isaga waxa qorshaha soo galiyay hunguri lacag raadineed oo uu ululay Wasiirka Xaananad Xoolaha Cabdillahi Cukuse sidoo kale waxa lagu yaqaanaa wasiir Cali Mareexaan nin hugurigu hago oo aan dal iyo dadtoona rajo ka lahayn oo kujira Barnaamij lacag urursi ah.

Lacagtan la Kordhiyay ayaa waxa siweyn uga biyo diiday ganacsatada xoolaha dhoiofosa oo sheegay inay dhawaana bayaan kasoo saari doonaan inkastoo lacagihii uhoreeyay ay bixiyeen Ganacsatada Xoolaha dhoofisaa ayaa hadana waxa jira guux weyn oo ay arintaasi ka qabaan iyada oo raga hirgaliyay lacagtaasi in la bixiyaana ay yihiin Maamulayaasha Maxjarada Xoolaha lagu caafimaadiyo oo iyaga ay lacag xoog ahi ukordhay islamarkaana intooda badan mulkiilayaasha Maxjaradu ay yihiin kuwo xoolo badan dhoofiya iyaga oo maxjaradana maamula.

Qaar kamida Ganacsatada Xoolaha dhoofisa oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo sheegay inay uheshiiyeen mulkiilayaashii Maxjarada iyo wasiirkii xanaanada Xooluhu taasina ay dhabar jab kutahay ka ganacsigii xoolaha Nool ee somaliland ay qaniga ku ahayd

Halkan Hoosenb Ka Daawo Oo Ka Akhriso Juwanka Saduuq Xisaabeedka shirkada Dahabshiil Uga Furan Wasiir Cabdillahi Cukuse ee Lacagta loogu Shubo shabakada Wararka Berberatoday.com Heshay

 

Warqada xanaanada1 Warqada xanaanada2

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews