berberatoday.com
Weerarkii Orlando: Sidii Uu Dhacay, Shasiyadda Cumar Mateen Iyo Xogo Xiiso Badan Warbixin Uu Soo ururiyay Geeska Afrika
June 14, 2016 - Written by Berbera Today

Orlando(Berberatoday.com)-Dilkii ay 50 ruux ku dhinteen 55 ka kalana ku dhaawacmeen ee habeen hore ka dhacay magaalada loo dalxiis tago ee Orland oo ku taalla gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa jaahwareer iyo shoog ka aburutay dalka Maraykanka, waxaana lagu tilmaamay in ay tahay falkii ugu xumaa ee qof abid ka geysto taariikhda Maraykanka oo dhan, iyo dhacdadii ugu dhimashada badnayd ee dalkaas ka dhacda intii ka dambaysay weerarradii 11 September 2001dii Washington iyo New York ka dhacay.

1

Sidee wax u dhaceen:

Arooryadii hore ee subaxnimadii Axadda 12kii Juun, ayaa baar ay ku tuntaan ragga isku jinsiga ah ee wax-iska dayaa waxaa soo galay wiil dhalinyaro ah oo sita qor nooca iyo baastoolad waxa aanu bilaabay in uu dadkii goobta ku urursanaa mid mid u dilo.

Waxaa dilka geystay muwaadin Maraykan ah oo lagu magacaabo Cumar Saddiiq Matiin oo 29 sano jir, waxa aanu isir ahaan ka soo jeedaa dalka Afgaanistaan.

goobta weerarku ka dhacay gudaheeda dadka ku jiray waxaa lagu qiyaasay illaa 8 boqol oo ruux, saddex saac ayaa uu wiilkani rasaas ka dhex ridayey goobtan oo aakhirkii ay soo gaadheen ciidamada ammaanka oo dilay Cumar Matiin markaas la sheegay in uu 30 ruux meel ku xidhay.

Yaa ka dambeeyey:

Isla markii warka weerarku soo baxayba waxaa soo fatahay xogo is burinaya oo lagu malo-awaalayo cidda ka dambayn karta falkan, durbadiiba DAACISH ayaa miiska la soo saaray, wararka qaarna waxa ay sheegeen in dad taageersan ururkani ay barkulannada bulshada ee internet ka soo dhigeen sawirada wiilka falka geystay, halka waaxda baadhista dembiyada ee Maraykanka FBI ay iyaduna sheegtay in in Cumar Matiin uu la soo xidhiidhay lambarka gurmadka degdegga ah ee 911 ka hor intii aanu weerarka geysan, waxa aanu ku dhawaaqay in uu heshiis la galay ururka dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam.

Sida ay FBI sheegayso wiilkan hore ayaa looga shakiyey in uu ururrada Islaamiyiinta xidhiidh la leeyahay sannadkihii 2013 iyo 2014 kadib markii rag ay saaxiibbo yihiin uu u sheegay afkaar muujinaysa in uu u janjeedho dhinaca kooxaha ay Maraykanku ugu yeedhaan mucangagga, laakiin FBI baadhitaankiisa waa ay joojisay isagana waa ay iska fasaxday kadib markii wax caddayn ah ay ku weyday.

Masuul Maraykan ah ayaa isaguna sheegay in Cumar Saddiiq Matiin uu hal toddobaad ka hor weerarkan geystay uu falkan iibsaday qori iyo baastoolad, dhinaca kalana shirkad gaar loo leeyahay oo ka shaqaysa arrimaha amniga kana dhisan gobolka Florida ayaa sheegaysa in Cumar Sidiiq uu sannadkii 2007dii mar la shaqayn jiray. Dhinaca kalana masuuliyiin ka tirsan ammaanka Maraykanka ayaa sheegaya in Cumar sannadkii 2011kii helay rukhsadda haysashada hubka oo waqtigeedu dhacayo sannadka 2017ka.

FBI oo sheegtay in ururka Xisbullaah uu weerarkan ku lug lahaa:

Agaasimaha guud ee FBI James Comey ayaa mar uu hadlay Isniintii shalay sheegay in Cumar Sidiiq Matiin uu baadhitaanno hore loogu sameeyey ku qirtay in uu xidhiidh la’ leeyahay ururka Shiicada ah ee Xisbullaah. Comey waxa uu shir jaraa’id ka sheegay in markii dambe haddana uu ninkani kulamo la duubay la yeeshay dagaalyahanno ka tirsan jabhadda A-Nusrah ee ka dagaallanta dalka Suuriya, Maraykanka ugu calaamadsan argagaxisada, isaga oo markaas kadib Cumar xidhiidho internet ka ah oo uu la yeeshay ururrada argagaxisadu ka dhigeen xag jir.

DAACISH:

Idaacadda Al-Bayaan ee ku hadasha afka ururka DAACISH ayaa isniintii shalay sheegtay in ururka DAACISH uu ka masuul ahaa weerarkaas rasaasaynta ah ee ka dhacay Maraykanka. Warmurtiyeed idaacaddu sii deysay ayaa ay ku sheegtay in Cumar Matiin oo ay ku sheegtay in uu ka mid ahaa ciidamada Khilaafada Islaamiga ah u jooga Maraykanka uu ku kacay dagaal dhinaca amniga ah, oo u suurtogeliyey in uu galo baar lagu caweeyo oo ay isugu yimaaddaan waxa ay idaacaddu ugu yeedhay, “Dadka raacsan dhaqankii Qawmu Luud).

Nolosha Qoysnimo:

Cumar Matiin oo durba warbaahinta dunidu ku naanaystay ninkii dilkii qof keliya geysto ee abid ugu badnaa ka geysta dalka Maraykanku waxa uu qabay haweenay asal ahaan ka soo jeedda dalka Uzbekistan, waxa ay is guursadeen sannadkii 2009kii laakiin afar bilood oo keliya ayaa ay xaas lahaayeen, bishii Siddeedaad ee isla sannadkaas ayaanay kala tageen, in kasta oo kala tagitaankoodu rasmi noqday laba sano kadib uun.

Wararka uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in Sitora Cali Shrzoda Yuusufi oo sawirkeeda uu baahiyey bogga internet ka ee Heavy.com oo laga leeyahay dalka Maraykanka. Waraysi uu boggan wararka ee internet ku la yeeshay Sitora ayaa ay ku sheegtay in ay Cumar Matiini isku barteen magaalada New York oo uu ku soo barbaaray, laakiin markii ay is guursadeen ay u guureen guri qoyskiisu ay leeyihiin oo ku yaalla magaalada Fort Pierce ee gobalka Florida, gurigaas oo uu kelidii sii deggenaa xitaa markii ay kala tageen Sitora oo iyadu u guurtay magaalo kale, waxa aanay sheegtay in muddo 7 sano ah aanay dib isu arkin.

War uu faafiyey CNN oo Geeska Afrika akhriyey ayaa isna sheegaya in Sitora ay ku cabatay in Cumar uu si joogto u gacan saari jiray, xitaa sabab aan macno lahayn sida in ay dharkiisa maydhistoodii dhamaystiri weyday uu ku garaaci jiray. Waxa ay sheegtay in xilligaas aanu ku dhaqanka diinta ku dheggenayn, marar badan oo uu dhibaateeyeyna ay labadiisa waalid u qayshatay si ay uga badbaadiyaan. Furniinkan kadib Cumar waxa ay isbarteen gabadh kale oo wiil u dhashay sida uu ku warramayo Washington Post, laakiin wax faahfaahin ah kama ay bixin wiilkaas iyo halka uu hadda joogo, waxase ay soo heshay inanta lafteeda oo ka diidday waraysigii iyada oo laga yaabo in ay nafteeda u baqatay.

Wiil ay saaxiib ahaayeen Cumar oo u warramay Washington Post balse magaciisa qariyey ayaa isagu sheegay in furniinkaas kadib uu Cumar u baydhay dhinaca diinta, isaga oo xitaa tegey Sucuudiga oo waajibaadka xajka soo gutay. Imaamka masjidka degmadan Fort Peirce ayaa isna sheegay in Cumar uu masaajidka ku tukan jiray, mararka qaarkoodna isa soo raaci jireen aabihii Miir Saddiiq iyo walaalkii oo ka yar, laba maalmood ka hor falkanna ay masaajidkan ugu dambaysay.

Warbaahinta Maraykanka badankoodu waxa ay iyagu aaminsan yihiin in gabadha Cumar wiilka u dhashay ay tahay xaaskiisa labaad oo lagu magacaabo Nuur Saahi Salmaan, in kasta oo aan jinsiyaddeeda la sheegin.

Obama:

Si kastaba ha ahaato ee madaxweynaha Maraykanka Barak Obama ayaa isagu sheegay in aanay illaa hadda caddayn in falkan meel ka baxsan gudaha Maraykanka laga soo abaabulay.

Madaxweyne Obama oo Isniintii kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay agaasimaha FBI, wasiirka amniga gudaha, iyo masuuliyiin kale, kadib isaga oo uu ku xigeenkiisu hareer fadhiyo la hadlay warbaahinta ayaa yidhi, “Illaa hadda ma jiro wa caddaynaya in weerarka Orlando dibadda dalka laga soo abaabulay” Waxa aanu sheegay in si guud afkaar xagjir ah oo internet ka lagu baahiyey uun ay saamayn ku yeesheen maskaxdiisa. Laakiin Obama waxa uu ka digay in weerarkani keeno nacaybka muslimiinta Maraykanka waxa aanu si aad ah ugu dheeraaday ka hadalka khatarta uu leeyahay hubka fudud ee dalka Maraykanka sharci ahaan muwaadiniinta caadiga ah rukhsadda loo siiyo, suuqyadana lagu kala iibsado. Hubkaas sida fudud loo haysto loona iibsan karo oo intii uu xilka hayey uu isku dayey in uu xakameeyo ayaa diidmo adag ay kala hor yimaaddeen xisbiga uu xinfiltanku ka dhexeeyo ee Jamhuuriga oo isagu taageersan haysashada hubka fudud.

Cumar Matiin aabihii:

Warar dheeraad ah oo soo baxay saacadihii dambe ayaa daaha ka fayday in Siddiiq Matiin oo ah ninka dhalay Cumar Sidiiq Matiin uu yahay nin isu muujiya in uu siyaasi yahay, balse warbaahintu ku tilmaamtay in uu yahay siyaasi la yaab leh, waxa ay wararku sheegeen in uu sheego inuu u sharraxan yahay xilka madaxweyne ee dalka Afgaanistaan iyada oo la joogo xilli aanay doorashaba jirin, sidoo kale waxa uu warbaahinta qaar siiyaa faallooyin lagu tilmaamay kuwa dhacdhac badan bixiya, oo tusaale ahaan marar badan La Soco……….

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews