berberatoday.com
Xuseen Axmed Caydiid Oo Ka Hadlay Waftigii Itoobiya, Dhacdadii Gaashaamo, Dacwadda UCID, Colaadda Bariga Iyo Arrimo Kale
June 14, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Afhayeenka Isbahaysiga Kulmiye Xuseen Axmed Caydiid oo ahaa wasiirkii hore ee Caddaaladda iyo arrimaha Garsoorka kana mid ahaa wasiirradii tirade badnaa ee is casilay xilligii shirweynihii Kulmiye, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyskan Geeska Afrika waxa uu kaga halday, dacwadda socota ee xsibiga UCID, waftigii toobiya ee dalka yimid iyo dhibaatadii GAASHAAMO, aragtidiisa ku waajahan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, iyo dhexdhexaadnimada Turkiga oo uu duray, isaga oo sheegay in aanu marnaba daacad ka ahayn arinta wada hadalada ee aanu rabin inay Somaliland ka madax banaanato Somaliya ee uu doonayo midnimadii.

Xussen

Ugu horreyn isaga oo Xuseen Axmed Caydiid ka hadlaaya colaadda Dharkangeeyo iyo maatada lagu laayey deegaanka GAASHAAMO waxa uu yidhi

“Dadka walaalaha ah ee wada daga Deegaanka Dharkeen-geenyo waxaan ugu baaqi lahaa wax walba oo nin walba oo islaami ah ama nin walba oo caqli leh ugu baaqi lahaa, waxaana weeye inay Nabad qaatan, gardoofo wey iska dhacdaa oo waligeedba waa la arki jiray, balse caqliga suubani wuxuu ku jiraa in nabada laga taliyo, markaas waxaan odhan lahaa in beelahaas walaalaha ahi inay nabada qaatan, oo ay geed ku wada hadlaan, oo ay isku gogol dhigtaan oo waxyaabaha ay kala tabanayaan halkaas kaga hadlaan, oo tii qorigu halkaas inagaga dhamaato, Guurtida hawshan gashayna waxaan ILLAAHAY uga baryayaa inuu u fududeeyo, waanu u ducaynaynaa waa bil ramadaan waanu soomanahay, Ciidanka halkaas tagay ee labada beelood kala dhex galayna waanu ku hambalyeynaynaa waxaana leenahay halkaas ka sii wada”

Dhinaca kalana isaga oo ka hadlaya dhacdadii GAASHAAMO iyo waftigii heerka sare ahaa ee ka yimid dalka Itoobiya, waxa uu yidhi, “Weftigaasi wuxuu yimid goor ay kilinka dhibaato ka dhacday, oo waliba dhibaato aad iyo aad u fool xumi ka dhacday, oo waliba dawlad baa waxaas geesanaysa aan laga filaynin, inaga oo is lahayn Dawladda Itoobiya oo Kilinkuna ka mid yahay xidhiidh wanaagsan ayaad leedihiin, horta xaalada ay dalka ku yimadeen waa taas, annagu ma jeclin in halkaas dab ka huro, balse mar haddii ay masuuliyiin sare timidna waxaan u arkayaa inay inala fahmi wax, oo sida aynaan u doonaynin in halkaas dab ka qarxo, in Dawladda Fadaralkaa ee Itoobiyana aanay iyana diyaar u ahayn in halkaas dab ka qarxo, waayo labada Dawladda oo Somaliland iyo itoobiya waxay ka wada socdaan sidii xidhiidh wanaagsan u wada yeelan lahaayeen, oo xidhiidh ganacsi oo wanaagsani u dhex mari lahaa,markaas waxaan rajaynayaa in balantaas uu Weftiga Itoobiya qaadaya uu sideedada u fuliyaan oo baadhitaano sameeyaan, oo waxaas wixii geystay ay talaabo ka qaadan, oo imika dhaqdhaqaaqa xuduhu uu socdaa”

 

Xuseen Axmed Caydiid ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo inuu Turkigu dhex ka noqon karo ayaa yidhi

“Dalka Turkigu marnaba rayigiisa muu qarin jirin, waxaanu mar walba odhan jiray waxaanu idinkula talinaynaa oo aanu rajo la leenahay midnimada, waxa uu odhan jiray cududu waxay ku jirtaa isku tagiina, laakiin cududdii aynu lixdankii u geynaya Somaliya waxba inoomay soo kordhin khasaare mooye, isagu hadalada inama xukumayo labada dhinacna xukumi maayo una gar qaadi maayo gogol la iskugu yimaado buu inoo fidiyey, waxaana meesha ka soconaya waxay labada dhinac isla qaatan, laakiin Turkigu waxa uu jecel yahay midnimada, laakiin waa haddii laga qaato”

Xuseen Axmed Caydiid mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko Dacwada UCID ayaa ku jawaabay, “Goortii Xisbiga UCID wax la fari lahaa waa ay soo dhaaftay, waxay maraysaa Maxkamad, intii aanay Maxkamada gelin ayaa ay ku wanaagsanayd in wixii baaq ah ama laga odeynayo in la faro, laakiin haddii ay maanta Maxkamad isla galeen wixii la yidhaahda waa sidii uu dhinaca walba ugu qanci lahaa wixii halkaas ka soo baxa, mar haddii ay garnaqsadeen oo gar cadaawe ay arinkii ka dhigeen, in go’aankaas Maxkamada ku qancaan ayaa muhiim ah, Guddida Diiwaangelinta ururaduna go’aanka ay soo saaraan inay qaataan ayey geesinimadu ku jirtaa”.

 

 

 

Source:- Geeska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews