berberatoday.com
Alla Doori Sharcigana Waa Yaqiin Waana Ka Agnaan … Qareen Guuleed Musharaxnimada Jamaal Waxa Ay U baahantahay In Shirweyne Lagu Ansaxiyo
June 15, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
gacayte

“ALLA DOORI SHARCIGANA WAA YAQIIN, WAANA KA AGNAAN…..! Qareen Guuleed, Musharaxnimada Jamaal Waxay U Baahantahay In Shirweyne Lagu Ansixiyo

Waxaan Aad Ula Yaabay Qareenkan U Doodayay Faysal A. Waraabe. Oo Kala Saari Waayay Musharax Madaxweyne Ma Shirweyne Ayaa Lagu Doortaa Mise Shir Golle Dhexe. Ku Lahaa Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen Waxay U Baahantahay Shirweyne In Lagu Ansixiyo. Malaha Qareenkani mabuu akhriyin xeerka ucid, mise waxay ka tahay badheedh iyo indho adkaan inuu Been qaawan ka sheego Xeerka Ucid. Subxaanaka Yaa Cadiim…..!

Xeerka UCID meelna kagama qorna Shirweyne Ayaa Musharaxiinta Lagu Dooranayaa. Doorashada Musharaxiinta M.weyne iyo Ku Xigeen iyo Ansixinta Heshiisyada Labaduba Waa Shaqo iyo Waajibaad uu Leeyahay Golaha Dhexe. Jamaal waxa doortay Golaha Dhexe ee UCID oo ahaa xubnihii uu dortay Shirwaynaha Xisbigu.
Bal Waa Kan Xeerka UCID ee Ha Sheego Halka Ay Kaga Jirto In Musharaxnimada Jamaal cali xuseen U Baahantahay Shirweyne lagu ansixiyo.

QODOBKA 27AAD
MUSHARAXIINTA MADAXWEYNE IYO MADAXWEYNE KU XIGEEN
Xarafka 1 aad
Musharaxiinta Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen waxa dooranaaya Golaha dhexe ee xisbiga.

Xarafka 2aad
Murashaxnimadda Jagooyinka madaxweyne iyo ku xigeenka iyo xubinamadda hogaanka sare ee Xisbigu way kala madax banana yihiin.

Xarafka 3aad
Xubina looma sharaxi karo musharax madaxweyne ama ku xigeen wax ka badan laba jeer.

QODOBKA 16AAD
HAWLAHA GOLAHA DHEXE

Xarafka 9aad: Golaha Dhexe wuxuu ansixinayaa heshiisyadda uu xisbigu la galo xisbi ama cid kale( dhinaca Kale), oo ku saabsan iskaashiyo wax-wada qabsi oo la xidhiidha arimaha siyaasada ee ay u soo gudbiyaan gudida fulintu iyaga oo ku ansixinaaya cod 2/3 ah.
Xarafka 10aad: Golaha Dhexe wuxu u Codaynayaa cidda noqonaysa murashaxa madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Sidaas darteed, Waxaan halkan ku cadaynayaa in aanay jirin tartan danbe oo Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid ku dooranayo Musharax Madaxweyne sababtoo ah, Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid ee qabsoomay, Si rasmi ah loogu doortay Musharaxnimada Jagada Madaxweynenimo iyo Madaxweyne Ku Xigeen, si waafaqsan Xeerka Xisbiga Ucid, taas oo ka danbaysay midowgii heshiiskii siyaasadeed ee ay wada galeen Xisbiga Ucid iyo Garabkii Xisbiga Udub ee uu hogaaminayay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen taariikhdu markay ahayd 12 July 2012, lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Heshiiskaas oo la mariyay nidaamka sharci ee xisbiga, si loo dabaqo qodobada sharci ee xeerka xisbiga ee kala ah Qodobka 16aad faqradiisa (9aad, 10aad) ee kor ku xusan.
Hadaba isagoo xisbigu hirgalinayo go,aanadii qodobadan heshiisku dhigayaan waxa uu xisbigu qabsaday kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe Xisbiga Ucid oo qabsoomay 28/10/ 2012. Kal fadhigaas oo cod gacantaag ah oo aqlabiyad ah lagu ansixiyay dhamaan qodobadii heshiiska laguna go’aamiyay qodobadan:-
1. Waxa Lagu Ansixiyay heshiiskii Labada garab;
2. Waxa lagu Doortay Musharaxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne ku Xigeen Jagooyinkaas oo loo kala doortay
a) Musharaxa Madaxweyne Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen
b) Musharax Madaxweyne Ku Xigeen Cabdirashiid Xasan Mataan
c) Waxa Lagu doortay Guddoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Muj. Cali Maxamed Yusuf (Cali Guray)
d) Waxa Lagu doortay Xoghayaha Guud ee Xisbiga(Axmed Kayse)

Ilaahay Sida Xaqa ah Hayna Garan Siiyo

Alaa Mahad Leh
Ramadaan Kariim

Mohamed Gacayte
Sarkaal Ka Tirsan Xisbiga UCID
Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews