Cali Guray Oo Muuse Biixi Ku Eedeeyay Shakhsi Hore U Boobay Hantidii Ummadda Ka Dhaxaysay oo Aan Dalka Lagu Aamini Karin.
June 15, 2016 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye Ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID, Mujaahid Cali Yuusuf Axmed (Cali Guray) ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna murashaxa Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, shakhsi hore u boobay hantidii ummadda ka dhaxaysay oo aan dalka lagu aamini karin, sidaana wuxuu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartuu ku leeyahay shabakadda bulshada ee Facebook. Qoraalka Muj: Cali Guray ayaa u dhignaa sidan.
