berberatoday.com
Madaxtooyadda oo Markale U Hanqal Taagaysa Muddo Kordhin Kale Iyo Shakhsiyaadka Dabadda Ka Riixaya.
June 15, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay waxa ay shabakada qarannews.com, soo bandhigaysay sida ay qoyska madaxweynaha  uga go’antahay in la kala qaado doorashooyinka golaha wakiilada iyo madaxweynaha, arintaasi oo aan in badan si qoto dheer uga hadalnay, laba todobaad ka hor ayaa madaxweyne Siilaanyo oo arinta kala qaadista labada doorasho ka hadlay waxa uu sheegay in ay arintaasi hore maxkamadi u meel marisay oo bulshada caalamkuna ay sidaasi taageersantahay hase ahaatee waxa uu sheegay oo yidhi, in arintaasi ay hada wadaan xisbiyada qaranku oo waxii ay isku raacaan aan tix galin doono, waxna isla markiiba la hawl galiyay gudoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe waxana dhowr jeer looga yeedhay madaxtooyada waxana uu ogolaaday in uu taageero kala qaadista doorashooyinka wakiilada iyo madaxweynaha.

siilaanyo8Hadaba kulan ay shalay isugu yimaadeen gudiga doorashooyinka qaranka iyo sadexda xisbi ayaa si cilmiyaysan arintaasi loogu soo bandhigay sidii loo kala qaadi lahaa labada doorasho iyada oo arintaasina ay gadaal kala socdaan qaar ka mid ah gudiga doorashooyinku.
Xisbiga Waddani ayaa shalay gabi ahaanba diiday arinta ah in la kala qaado labada doorasho, sidoo kale beesha caalmka oo qorshahani hore loogu gudbiyay oo la socota tabaha xukumadda Siilaanyo arimahani doonaysa in ay ka dhigato cimri dherar ayaa gabi ahaanba iyaguna diidan arintani.

dhanka kale gudoomiyaha xisbiga kulmiye ayaa isna qorshahan ka soo horjeeda isagoo sida aanu ka soo xiganay ilowareedyo ka agdhaw ay sheegayaan inaanu fursad u arag arinkaas balse cabsi uu ka qabo madaxtooyadda awaadeed aanu uga badheedhi karin arinkaas
si kastaba ha ahaatee madaxwayne siilaanyo oo maalmo koobani uga hadheen muddo xileedkiisa ayaa markale  qorshaynaya muddo kordhin uu ku doonayo inuu kursiga ku sii dheeraysto

 

 

 

Source: Qarannews

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews