berberatoday.com
Madaxweynaha Kililka 5-aad Ee Itoobiya Oo Maatidii Ciidankiisu Xasuuqeen Ku Sheegay Dad Dagaal Ku Dhintay & Xog-warranka 90 Jir Ka Soo Hadhay 11 Oday Oo Masaajidkuu Ku Tukaday Lagu Laayey
June 15, 2016 - Written by Berbera Today

“Markii aan Soo Miyirsaday, ayaan Nin ku idhi Biyo I waraabi, markaasuu igu yidhi ka warran haddaan ku dilo?, dabadeedna waxaan ku idhi maxaad igu dili ee aan geystay, markaasuu igu yidhi Saw Dawladda kamaydaan hor-imanin…” Xaaji Xasan Maxamed Ducaale Oo Burco Lagu Daweynayo

 

Australia(Berberatoday.com)-Madaxwaynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Iley) oo  dhawaan Ciidankiisu xasuuq ka gaysteen deegaanka Jaamac Dubbad oo hoos taga Degmada Gaashaammo, ayaa sheegay in dadka dhintay ay doonayeen inay xoog ku qabsadaan gaadhi koontarabaana oo ay qabteen Ciidamada Liyuu Booliisku.

Madaxwayne Cabdi iley, waxaa uu shacabkii ku geeriyooday deegaanadaasi ku eedeeyay inay weerareen ciidamada Liyuu Booliiska oo qabtay gaadhi koontarabaana oo ku dhacay gaadhi Ambalaasa oo ay leedahay dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

“Markay hawli dhacdo in la xaqiijiyo ayay u baahan tahay, Guddi isku dhafa oo iskugu jira ciidanka Qaranka ee federaalka Itoobiya, Liyuu Booliiska iyo maamulada degmooyinka iyo gobollada ayaa tagay meeshaas (Jaamac Dubad) sidii ay wax uga dhaceen ee markii hore loo buunbuuninayay ama la isla dhexmarayay may noqon oo si ka duwan ayay noqotay”ayuu Yidhi Madaxwayne Iley. Md, Cabdi Maxamuud Iley waxaa uu intaasi ku daray “Waxaa caddaatay in dagaalkuba ka dhacay gaadhi koontarabaana iyo gaadhi Ambalaas ah oo ku jira shaqo caafimaad inay isku dhaceen, dabadeed waxaa la qabtay nimankii Gaadhiga koontarabaanka ahaa watay, markii la sii waday gaadhigii Koontarabaanka ahaa ayaa nimankii xoogga ku mari jiray waddooyinka iyo dad ay soo abaabuleen Ciidankii u galeen dhexda, xabbad ayaa lagu furay ciidankii oo waddada ku soo jira oo gaadhiga inay xoog kusoo furtaan ayay rabeen dhibaataduna sidaasi ayay ku dhacday”

Madaxwaynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaa kale oo uu sheegay in la buunbuuniyay dhacdadaasi oo aanay ku dhiman dadka gaadhaya afartan qof waxaanu yidhi, “Ciidankii oo si sharciya u socda ayaa la weeraray oo xabad dhinac kasta lagaga furay, dadka meesha ku dhintay waxay ahaayeen dadkii xabadda adeegsanayey, laakiin way ku dhici kartaa meel dagaal ka socdo shacabka xabadi ku dhacdo, labada dhinacba wuu jiraa khasaaruhu mana jirto 40 qof oo ku dhintay dhacdadaasi”ayuu yidhi Cabdi Iley, oo Warbaahinta u warramay isagoo Safar ku jooga Dalka Austarlia. Laakiin mid ka mid ah Dadkii ka badbaaday Xasuuqa Liyuu Boolisku ka geysteen Halkaasi oo isagoo dhaawac ah la soo gaadhsiiyey Magaalada Burco, ayaa sheegay in Ciidanka Liyuu Booliisku ku soo weerareen iyagoo Salaad ku tukanaya Masaajid.

Xaaji Xasan Maxamed Ducaale oo Sagaashan jir ah, isla-markaana ka badbaaday Xasuuqa Ciidammada Liyuu Booliisku ka geysteen Deegaanka Jaamac Dubbad, ayaa Weriye Cabdi Maalik Muuse Coldoon uga warramay siduu uga badbaaday xasuuqa ka dhacay Deegaankii uu ku noolaa iyo Sababta loo geeyay Magaalada Burco.

Xaaji Xasan Maxamed Ducaale oo Laxaadka Indhaha la’, ayaa isagoo ku tukanaya Masaajid ku yaalla deegaanka Jaamac Dubbad ay toogasho ku dhaawaceen Liyuu Booliisku, dhaawacaas oo ah ka loo geeyay Magaalada Burco, “Annaga oo 11 ilaa 12 Rag ah, ayaanu Masaajidka soo xidhanay si aanu u tukanno, Markaanu Ragcad tukanay ayay hub nala dhaceen (Gidaarradii Masaajidka), dabadeena waanu Xammili waynay, markaas ayaa albaabka aanu furnay, markaas ayay Aniga Lugta igaga dhacday Xabaddu, waan dhacay, waan dhiig-baxay, Raggii kalena waalla dareeriyey (Masaajidkaa dibadda looga saaray). Raggii oo dhan waxa ka baxay Aniga oo dhaawac ah oo Masaajidka ku miyir beelay iyo Nin kale oo dhaawac ah.” Ayuu yidhi, Xaaji Xasan, waxaanu intaa ku daray, “Raggii kale markii Masaajidka lagala baxay baa la laayey, Anigana markii dambe ayaa la i geeyay Gaashaammo, waxaana Gaashaamo iga soo qaaday Inankayga oo Burco I keenay.”

Sagaashan Jirkan Indhaha la’ ee ka badbaaday Xasuuqa Liyuu Booliiska ee Jaamac-dubbad waxa kale oo uu ka warramay, “Markii aan Soo Miyirsaday, ayaan Nin ku idhi Biyo I waraabi, markaasuu igu yidhi ka warran haddaan ku dilo?, dabadeedna waxaan ku idhi maxaad igu dili ee aan geystay, markaasuu igu yidhi Saw Dawladda kamaydaan hor-imanin. Wuxuu igu yidhi Anigu ku dili maayo ee Rag ku dila ayaa kuu iman, Laakiin ILAAHAY iima keenin Cid i disha.” Ayuu yidhi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews