berberatoday.com
Shirkad Duulimaad oo Adeegsan jirtay Sharciga ISLAAMKA oo Shaqadii laga Joojiyay (Sawirro) R
June 15, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Rayani Air oo ah Shirkaddii Diyaaradeed ee u horreysay oo dalka Malayshia laga leeyahay – kuna dhaqanta shareecada Islaamka, ayaa laga joojiyay Duullimaadyadii, kaddib markii lagu eedeeyay inay jabisay Xeerarkii duulimaadyada.

1

Waaxda Duullimaadyada Shacabka ee DCA, ayaa sheegtay inay kala noqonayso Shirkadda Ruqsaddii duullimaadyada, kaddib markii ay walaac ka muujiyeen hanaanka bad-qabka iyo daba-galka diyaaradda.

Rayani Air, ayaa la Daah-furay bishii December ee Sannadkii hore, Waxayna rakaabka siin jireen Cunnooyin Xalaasha ah oo keliya, iyadoo aan laga ogoleyn khamrga, Shaqaalaheedu waxay u labisan jireen si asturan.

Shirkadu waxay lahayd labo Diyaaradood oo Noocoodu yihiin; Boeing 737-400 oo midiiba ay qaado 180 qof oo Rakaab ah, Waxayna ka hawl-geli jiray Siddeed duuliye iyo 50 qof oo shaqaale ah. Iyadoo Waxaada Maamusha Diyaaraddan ayaa sheegay Isniintii in Rayani Air aysan sameyn karin wax duullimaadyo ganacsi ah.

Dhanka kale, Arrintan ayaa waxay daba-socotay Saddex bilood oo Diyaaradaha Rayani Air laga mamnuucay Duullimaadyadii, kaddib markii la sheegay inay ku Guul-dareysatay inay raacdo Xeerarka Caalamiga ah ee Duullimaadyada.

Rayani Air oo fadhigeedu ahaa Jasiiradda Langkawi, waxay duulimaadyadeedu aadi jirtay magaalada Kuala Lumpur ee Caasimadda Malaysia iyo Magaalada Waqooyiga dalkaas ku taalla ee Kota Bahru.

Ugu dambeyn, Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in shirkaddu ay Qorshaynaysay inay Duullimaadyo ku aaddo magaalada Maka ee Boqortooyada Saudi Arabia, marka ay Dadka Muslimiinta ah doonayaan inay soo gutaan Xajka iyo Cumrada.

2345
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews