Ciidamada Sirdoonka Maraykanka Oo Baadhitaan Ku Sameynaya Xaaska Cumar Mateen oo 49 qof ku dilay US
June 16, 2016 - Written by Berbera Today
Washinton(Berberatoday.com)-Hay’adda dambi baadhista Maraykanka ee FBI ayaa wadda baadhitaan ay su’aalo ku weydiinayso xaaska Cumar Mateen oo dhawaan dalkaas ka geystay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac.
Xaaska Mateen oo lagu magacaabo Nuura ayaa la weydiinayaa su’aalo lagu ogaanayo in ay wax ka ogeyd qorshaha uu ninkeedu fuliyay iyo in kale.
Nuura ayaa haddii ay ku caddaato inay ka war haysay arrinta ninkeedu ku weeraray Baarka Khaniisiinta ayaa lagu soo oogi doonaa dacwad ku saabsan sababta ay u qarisay.
Weerar uu Cumar Mateen ku qaaday goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Orlando ee gobolka Florida ee carriga Maraykanka ayaa waxaa ku dhintay 49 qof, waxaana ku dhaawacmay 50 kale.Warbaahinta Maraykanka ayaa warrinaysa in xaaska Cumar Mateen ay la ogeyd ninkeeda arintaasi uu ku kacay.