Dhagar Qabe Yuusuf Cabdi Cali Tuke oo Dacwadiisa Meel Xaasaasiya Marayso iyo Shaqooyinkii oo laga Caydhiyey+Dacwado Hor leh oo ku Furmay+Akhriso warbixin.
Washing-tong (Berberatoday.com)-Ducwaddii lagu oogayay dhagar-qabe Yusuf Cabdi Cali (Tuke) ee kaga socotay dalka Maraykanka, ayaa maraysa meel xasaasiya, iyadoo ay haatan Aqalka Senate ka ee hay’addaha sirdoonka iyo socdaalka dalkaas ka weydiiyeen sida loogu ogolaaday inuu dalka soo galo, isagoo ahaa danbiile laga soo ceydhiyay dalka Canada.
Guddoomiyaha Guddida Socdaalka iyo Gaadiidka ee Senateka oo waraysi siinaysay Telefishanka CNN ta ayaa sheegtay inay la yaab ku noqotay in qof dhagaro dagaal iyo tacadiyo ka dhan ah bani’aadanimaddu uu soo galo dalka Maraykanka, isla markaana uu ka shaqo galo mid ka mid madaaradda ugu mashquulka badan dalka Maraykanka, ee Dulles Airport.