berberatoday.com
Dhalliishaydu Waa Tuma?!
June 16, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
 

Bashe

 

Amb.Cawil iyo Prof Samatar waa laba nin oo waayeel ah. Odayga hore waxa uu hirdiyey sida madaxweynaheenna xilligii nasiimada, Odayga kale na halkaas waa uu ku sii siqayaa.

 

Taasi dhalliil ma aha oo waa meerto iyo marxalad nololeed oo uu aadmigu muto. Wax se dhalliil ah in aynu ku dhalliilno dhalliil aynu leenahay. Waa runta in ay odayaashu buuxinayaan meelo aynu innagu buuxintooda ka baaqannay ama aynu ka gaabinnay.

 

facyaashii da’yarta iyo da’dhexaaddeenna waxa ka soo hadhay dhalliil ku ah “baag madow iyo nabar aan dawo lahayn”. Xilal iyo waajibaad-gudashooyin ay iyagu lahaayeen oo ay hanan waayeen ayay baylahdooda ku eedeeyaan habeen iyo dharaar cid ay ahayd in ay iyagu nasiyaan.

 

Xoogga muruqeed iyo awoodda maskaxeed ee qofka aadmiga ahi waxa ay ugu manaafaad badan yihiin oo ay faraqyada ugu dhaadheer bixiyaan inta u dhaxaysa gu’tirsiyada 40aad – 60aad, weliba inta u dhaxaysa labada tobanle ee 40 iyo 60, soddonaadkuna waa kaabe culus.

 

Wixii sannadka 30-jirka ka horreeyaa waa xoog iyo maan taagada meerta nololeed soo fananaya oo ama isu diyaarinaya ama markaas uun qabtay xil-hanashooyin iyo waajib-gudashooyin bilow ah. Wixii gu’yaashaas ka dambeeyaana waa ka sii daaddeg taagadaas oo u sii janjeedhsamaya dhinaca nasashada iyo mus-dambeednimada talada iyo tusmada.

 

Somaliland oo kale oo ah dal hawl badan iyo saacado badan oo la shaqeeyo u baahan, waxa uu dad wax dhalliila uun oo aan wax qabad iyo qorshe kale lahayn uga baahi badan halkii laga lahaa ‘hadal yar iyo hawl badan’.

 

Dhallinyarow iyo da’dhexaadeey aynu dib isugu noqonno oo kadalloobsi innagu isugu qiimayno, inta aynaan cid kale kambadhuudhsi ugu qiimayn.

 

Waxa aan is leeyahay dhalliisha badankeeda, inteeda togan, innagaa leh. Waa inteenna 20-jirku u yar yahay, 60-jirkana aan gaadhin.

 

Waayo, xil iyo waajibaad aynu lahayn ayaynu baylahdooda ku dhalliilnaa, kuna xagxagannaa cid daleel ka heshay oo laga riixan kari waayey.

 

Waa cuyuban faraqa ina haysata in aynu laba daran mid ahaanno: inteennaas dhalliisha aan dhismuhu la socon ku indha beeshay iyo in rahmanaata oo hadba halkii hogoshu ka minjo laallaadiso caloosha ula doogsin raacda.

 

Odayaasha iyo waayeelkeenna, aynu ku biirrinno qorshe iyo hindisayaal mustaqbalka wax ugu fillaan kara dal iyo dadba oo sidaas innagu gadh-jiidayaal u noqonno, waynnu kari karnaaye, halka aynu ka ag cataabayno caalwaa’ ahaan!

 

Waa taas halka aynu gaashada ku wada leennahay ee aynu ku wada dhalliinnahay.

 

Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews