“Haddu Samatar Xisbigii Talada Hayay Ee Kulmiye Ku Biiray Waan Hambalyeenaynaa, Cali Khaliif Waxaan Leeyahay Ku Dayo Prof Axmed Samatar Oo ..Faysal Cali Waraabe
June 16, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan in Proffesor Axmed Ismaaciil Samatar ku Biiro Xisbiga Kulmiye.
Faysal Cali Waraabe, waxaa uu sheegay inuu hambalyo u dirayo Axmed Ismaaciil Samatar waxaanu yidhi “Haddu Xisbigii talada Hayay ee kulmiye Ku Biiray waan Hambalyeenaynaa, waxaa weeye qofku markuu akhriyo xeerka iyo markuu eegay shaqadooda hadduu kaa door biday waanu Hambalyeenaynaa, Meel shishe muu tagine saddexdeeni xisbi qaran mid ahaan ayuu tagay, waxaan jecelnahay in uu wax badan ku soo kordhin doono Qaranka iyo Xisbigaba..” Ayuu Yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe