berberatoday.com
Maqaal diini ah‏”Heesuhu waxa ay qofka qalbigiisa ku beeraan nifaaq faasiq iyo macaasi
June 16, 2016 - Written by Berbera Today

Heesuhu waxa ay qofka qalbigiisa ku beeraan nifaaq faasiq iyo macaasi – waa hor-galaha sinada iyo wixii la mida. Waxa ay nusqaamiyaan xishoodka iyo jacaylka qur’aanka. Waxa laga qaadaa maskax-madoobaad (fikir iyo firfircooni la’ aan) waxa ay qalbiga ku beeraan werwer iyo buuq. Diinteennuna waxa ay ku tilmaantay heesaha ‘sawtul-shaydaan’ iyo weliba hadal nacdalan. Bal hadda aynu aayado, axaadiis iyo odhaahyadii asxaabada iyo taabiciinta in yar oo ka mida soo min guurinno.

 

Cabdullaahi Binu Mascuud, asxaabadii qur’aanka iyo tafsiirkiisa ugu taqaannay, ayuu ka mid ahaa.

Cabdullaahi Binu Mascuud waxa uu yidhi; “ma jirto aayad nebi Muxamed lagu soo dejiyay oo aanan garanayn sababta ay u soo degtay iyo meesha ay ku soo degtay!” sidoo kale, waxa uu yidhi; “haddaan ogaan lahaa qof qur’aanka iga yaqaanna oo jooga meel geela lagu gaadhi karo (aad u fog) safar adag baan u geli lahaa.” Cabdullaahi binu Cabaas (turjumihii qur’aanka)  iyo Cabdullaahi binu Cumar ayaa Cabdullaahi Binu Mascuud hadalkaa ku raacay (u qiray).

 

Alle ayaa sheegay in ay jiraan dad ku bedellenaaya ‘lahwul-xadiith’ (heesaha iyo wixii la mida)  xaqii iyo diintii ilaahay u soo dejiyay in ay dhagaystaan. Wuxuuna Alle sheegay in ay kuwaasi leeyihiin cadaab daran oo dulleeya.

Wuxu yidhi taabicigii Abu Sahbaa; “Ibnu Mascuud ayaan ku idhi; waxaad ii fasirtaa, ‘lahwul xadiith ka’” Ibnu Mascuud Waxa uu yidhi;  “waxaan ku dhaartay Allaha mid xaq lagu caabuddaa aanu jirin isaga mooyaane, lahwul xadiith ku waa heesaha!”

 

Waxa uu rasuulku (ﷺ ) sheegay, qofka heesaya dhawaaqiisu in uu yahay mid nacdalan.

Sidoo kale, Rasuulka (ﷺ ) ayaa yidhi; “umaddayda waxa ka mid ahaan doona kuwo xalaashada sinada, xariirta, khamriga iyo qalabka heesaha loo garaaco (Muusiga iyo wixii la mida)”   

Sidoo kale, Caa’isha ayaa u soo gashay nin is ruxaaya oo u heesaaya hablo ay eedo u ahayd, kolkaasay xanaaqday oo tidhi; “waa shaydaane saara”

Cumar binu Cabdicaziiz ayaa isna yidhi; “Asal ahaan heesuhu waxa ay ka soo bilaabmaan shaydaan, waxayna ku dhammaadaan cadhada Alle.”

Haddaba, marka ay heesuhu yihiin qawl shaydaan oo nacdalan, maxaad u malaynaysaa cidda qaadda iyo cidda dhagaysatana? Alle ha u sahlo.

 Ugu dambayntii, diinteena suuban ee islaamku heesa aad bay u fogaysay, nasiib darro dadkeenuna way dhagaystaan iyaga oo se og in ay dembi weyn ku jiraan. Waxa se mid laga subxaannalaysto ah, goortii heesaha la xalaashado ee dadka loogu baaqo. Subxaanaka yaa cadiim.

 

W/Q: Cabdinaasir Cali Cabdiraxmaan (Hibo-maal Afrika)

Email: gobta303@outlook.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews