berberatoday.com
Jamhuuriyada Somaliland Xududaha Ay La Wadaagto Itoobiya Waxaa Dayacay Xukumadihii hore Iyo Ta Maanta Hogaanka Dalka Heysa ??‏
June 16, 2016 - Written by Berbera Today

Jamhuuriyada Somaliland Xududaha  Ay La Wadaagto Itoobiya Waxaa Dayacay Xukumadihii hore Iyo  Ta Maanta Hogaanka Dalka Heysa  ??

Dhacdooyinka is daba joog ah ayaa  ka jiray dhamaanba  Xududaha Jamhuuriyada Somaliland ay la leedahay Itoobiya Dhacdooinkaana intooda badani waxay waxyeelooyin tacadi ahi ay ka soo gaadhaan Ummada Ra,yidk ah ee ku Nool Degmooyinka iyo Tuulooyinka ay Xuduhu maraan oo ay qaarkood ka mid ahaayeen in qudho la goo,yo . Qudhaha la goo.yeyna aan laga daba tagin intooda badan sababta loo go,yey iyo waxay tahay kibirka iyo tacadiga israacsan ee lagula kacaayo Ummada ku nool amaba Ku dhaqan Degmooyinka Iyo Tuulooyinka  ay Xududhu maraan.  Walinbana ah Ummada Xoolo Dhaqato ah oo aan qaadi karin Hagar Daamooyinka  joogta u noqday iyo  Handadaada Maalin u ah .

Marka waxaa dhamaanba Arimahan  kuwaa hore u dhacay iyo kuwaa  maantaa taaganba sidii ay ahaayeen aan uga  howl geleyn oo marwalba   Cago jiid ka ahaa  Xukumadihi soo maray  Hogaanka Jamhuuriyad Somaliland intii ay jirtay ha ugu danbeyso ta Maanta Hogaanka Dalka heysaay,e  Inta badan waxaa xukumadahaas  iyo Madaxda Dalku marka hogaamineysa Cudur daar ka dhigan jireen walin ka dhigtaan inaan Awood Dhaqaale loo helayn Ciidamad la geynaayo Degmooyinka iyo Tuulooyinka ay  Xuududuhu maraan laakiin taasi noqon mayso qiil sababto ah Wadan aan Xududihiisa ilaashan Karin Ciidamadiisuna aanay joogin meel kasta oo Xudud uu kala leeyahay Wadan kale ma noqon karaayo Wadan jiritaankiisu dhameystiran yahay ! Ta kale iyaduna ma jirto Wadan wadan Xuduud la leh isla markaan xududiisa ku haleeya wadanka kale ee u Xuduud la leeyahay sida hada aynu u dhaqano Jamhuuriyada Somaliland ahaan .

Ayadoo intaasiba hore u jiratay ayaa maant waxaa ku soo kordhay Gumaadkii loo geystay Ummadii iyaduna gudaha Maamulka Itoobiya gacan ku hayso ku jiraya waxaan la Xasuuqay Tuulo  dhan oo la yidhaado Jamac Dubad waxa alaale waxii Dad ku sugan mid yar iyo mid weynba  marka  u maleynaysa inaynu hadalkeena iyo odhaahdeenu wax u qabanyso kuwa gudaha Itoobiya ku jira iminkan  Xasuuqa iyo gumaadka kibirk ah ee lagula kacay ay  waliba u sii dheer tahay in lagu  yidhaahdo maanta  dhulkoodii ay la hayeen ee ay ku dhasheen ku koreen ku hana qaadeen maadadkii waa in cashuur iyo dhulka  lagu aasayo   lacagtiisi  waxaa laydin karab inaad bixisaan  sida ay xaqiijiyeen Dadkii Ehelad iyo Qaraabada la ahaa dadka lagu  dilay badheedhka iyo ula kaca ee aan wax ay galab sadeen jirin oo ay cid ka galeen hadiiba  kuwii ka Madax banaana ayaa aynu ognahay Dhibaatad iyo iyo handadaad Maalin walba taagan .

Gaba gabadii

——————-

Waxaan ku sababeyn kara anigu iyo inta badanUmmadu ay dareensan tahay maanta  in xaga Jamhuuriyad somaliland iyo Umadeeda  ahaan dayac iyo hog-dalooladu ka timi .

1 hadii ciidamada Maanta aynu u rarey Degmooyinka ay ka mid yihiin Balidhiig, Xaaji –saalax iyo Duruqsi  Cadow –Yuurura ee ay Xududu marto dhibaato iyo Handada may la nooladeen Ummadeen degan degaamad iyo nawaaxigooda waxay ku Noolaan la ahyeen niyad san iyo sharaf iyo heybadii Alle siiyey .

2 iyadan hadiib wax ay ka dhacaan inta gudaha xaduuda Itoobiya ku jirtaa waxaynu la gaadhi lahayd gar garaad mid Hiil iyo mid Badbaadineedba inamada yar yare loo tababartay sidii somalida Itoobiya xadkeed ku jirta ay u noqon laheyd mid Itoobiya yeelato ma u suurto gasheen dhibaatada ay ku hayaan Ummada Xoolo dhaqata u badan ee Awilba nolol adag ku nolaa oo duruf kala duwan oo badani u sii dheer yihiin .

3 Ciidamada Qaranka ee   Qalabka Sida ee Jamhuuriyada Somaliland  Shalay ,Maanta Iyo ilaa Birto dhufeysyad ka jeexanayaa  kana sameystey Xeryaha  waxay wax ka badali doonaan dhibaatadi  halka ka jiratay waxaana iminka arintu tahay waa sida  Jamhuuriyada Somaliland Madaxda Qaranku u fakereen inaan waxii hore loo dayacay  aan lagu darine dayac kale iyo ku daawasho inamada yar yare kar kaar la weydaariyay in bal horta Ummadaan aan hub heysan bay Qoryo yar yar oo loo soo dhiibay ay ku la yaane kuwo ah  Dabliqayaala  in la Dul -hogiyo in badan bay Kibirka iyo   waxaaney heyn is moodeen.

.Waana mid ku waajibna ku  ah dhamaanba  Madaxda Qaranka Hogaaminaysa iyo Ummadaba  in hadii xaladah qaarkood ay yimaadan ay tahay in looga wajaabo siday tahay  sida tan  maanta dhacaday loogan digtoonaad wax kasat oo dhibaato gaadhsiin karaUmmad Gudah joogta iyo ta xududah ku nool iyo waliba ta xududaha kale ku jirtaa u ahaan lahyeen kuwo dareenkood Bina-aadanimo yahay mid Nool oo san oo aan la soo dersin cabsi iyo werwar joogto ah markaan u hirgalin hanan shada Nolashood maalin lahaa.

Abokor Mohmud

Waa Billahi Towfiiq

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews