Puntland Oo Dayacatiraysa Dhismayaasha Qadiimka Ah Ee Ciidamadii Daraawiishta Maxamed Cabdalle Xasan Ee Ku Yaalla Gudaha Somaliland
June 16, 2016 - Written by Berbera Today
Xukuumadda Somaliland Oo Aan Ka War-qabin Qorshayaasha Maamul-gobolleedka Puntland
Taleex(Berberatoday.com)-Maamul-Gobolleedka Puntland, ayaa sheegay inay dayactir ballaadhan ku sameynayaan dhismayaashii Qadiimka ahaa ee ay deganaayeen Ciidamadii Daraawiishta ee hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Dhismayaashan oo la dhisay muddo hadda la joogo Qarni, waxaa ay ku yaallaan Degmada Taleex ee Gobolka Xeysimo Beriga Somaliland, waxaana ka muuqda burbur xoogan oo ay gaadhsiiyeen Diyaaradihiin Ingiriisku wakhtigii ay la dagaalamayeen Ciidamadii Daraawiishta ee uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdule Xasan.