berberatoday.com
Sool”Deegaanka YEYLE Oo Nin Aano Hore Tirsanayey Ku Dilay Laba Nin Oo Midna Masaajid Geliyey, Midna Ku Jiray Iyo Badhasaabka Gobolka Oo Ka Hadlay
June 16, 2016 - Written by Berbera Today

Badhasaabka Gobolka Sool Oo Wargeyska Himilo Uga Warramay Siduu U Dhacay Dilka Labada Nin Iyo Hawl-gal Ciidammadu Ku Tageen Deegaankaasi

 

Yeyle(Berberatoday.com)-Alle ha u naxariistee Laba Qof baa lagu dilay Deegaanka Yeyle oo ka mid ah Gobolka Sool ee Somaliland.

Nin Hubeysan, ayaa la sheegay inuu Aano hore darteed u dilay Nin Masaajid sii geliyey, laakiin Rasaastii dishay Ninkaasi oo ka gudubtay baa haddana dishay Nin kale oo Masaajidka ku jiray, taasi oo dilka Gacan ku-dhiiglahaasi geystay ka dhigeysa Laba Nin.

Badhasaabka Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo Wargeyska Himilo waydiiyey sida Dilkaasi u dhacay, ayaa sheegay, “Nin baa Aano hore darteed u dilay Nin Masaajid geliyey (Shalay), laakiin Xabadda oo ka gudubtay baa haddana dishay Nin Kale oo Masaajidka ku jiray.” Ayuu yidhi, Badhasaabka Gobolka Sool, waxaanu intaa ku daray in Ciidanka Qaranku ku sii jeedaan deegaanka Yeyle ee Dhagartani ka dhacday, si ay Gacanta ugu soo dhigaan Gacan-ku-dhiiglaha geystay Dilka labada Marxuum, isla-markaana ka hor-tagaan in dhibaato kale oo la xidhiidha Dilalkaasi ka dhacdo Deegaankaasi.

Badhasaabku waxa uu beeniyey Warar Warbaahinta Internetku baahisay oo la xidhiidhay in Deegaanka Yeyle ee labada Qof lagu dilay uu Dagaal ka dhacay, “Waa Been oo Wax Dagaal ahi kama dhicin ee laba Nin baa lagu dilay.” Ayuu yidhi Badhasaabku.

Deegaanka Yeyle ee Gobolka Sool, ayaa u dhexeeya Oog iyo Gumays.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews