berberatoday.com
Tirsigii 5-aad Xaqiiq iyo xog dhab ah oo ku saabsan Maalgelintii Dekeda Berbera oo noqotay 3 phase ah oo ku kacaya $242 Million oo qudha. qalinkii A/rahman fidhinle UK‏
June 16, 2016 - Written by Berbera Today

Ma…Weecsin iyo Beegsin Mise.. Aloos iyo Agaasin Danbe oo ummad u hadha  !! Ma Qaybsi iyo Qataabsi.. Mise Qadhaabsi iyo Qudh-Qudho joogto ah ? Ma…Midigays iyo Odeys mise Gown iyo Maquuno danbe  !! Boowe…Malaa….Waa Qaliban !! Mise ….Waaba Suke ! Mise…Waa Deman iyo Dirham-Quud !! Mise Xaalku waa Doog dhabasho iyo Doogsin carar !! intaasina waa iga arar dadab-galkeedii ee bal aynu hoos u soo degno !!……. !!

aniga oo bud-dhig iyo baleysin la iigu garaabo uga dhigaya hadaladii iyo hawraartii maalmahan loo adeegsanaayey Heshiiskii Wareejinta Dekeda Berbera oo Xogtiisii lagu mergaday, aniga oo sii tix-raacaya tixdii iyo tiraabtii laga tiriyey kuna bishilaaya kala hadalkii Xukuumada iyo hadal haynta maalmahan iyo hadaaqa bulshada bal aynu Tooshka  ugu yara iftiimino ummadda is-fahankii ku saabsanaa Wareejinta Dekeda Berbera ee ay Xukuumadda iyo Shirkada DPW isla qaateen isniintii 9/5/16.
                                                               Balaadhinta Dekeda  Berbera (EXTENSION WORK)
 
                Iyada oo la eegaayo nuxurka ku duugan nuqulkii heshiiska  “Term Sheets ” in respect of the concession agreements“.
Waxaa looga qaateeno warkooda loo wanqalaa noo cadeeyeen in labada garab ee Xukuumada iyo Qareenada Shirkada DPW ay  isla qaateen in Balaadhinta Dekeda Berbera  ( extension Work ) ay noqon doonto mid ku saleysan sadexdan weji ee hoose  oo keliya ah:
1- Phase 0   Waxaa la keeni doona Dekeda Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya  (3 Mobile Cranes)   5 Wiish oo raseeyayaal ah (5 reach stackers)  3 Tareele oo containarada qaada  (3 empty  carriers)  New Security  system oo dekedu ku shaqeyn doonto oo ku qalabeysan cilmiga cusub ee computerka ah. Wejigani wuxuu ku kacayaa ayey leeyihiin lacag gaadhaysa$62 Million oo Dollar.
2- Phase 1  Wejigan wuxuu leeyahay waxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo 400m iyo 25 yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab.  Waxaa kale oo wejigan la socda ayey leeyihiin in la keenaayo Dekeda Berbera  7 Wiish oo ah kuwa casriga ah ee qaada isla markaana raseeya containarada (7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejigani lagu maalgelin doonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar.
3- Phase 2  Wuxuu qeexayaa in phase kan hirgelintiisu ay ku xidhan tahay Mar kasta sida ay u shaqeeyaan Phase 0 iyo Phase 1, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75%  ay markaa hirgelinayaan  Phase 2, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab oo kale. Qiimaha uu phase 2  lagu Maalgelinaayo ayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $10 Million Dollar.
Boowe waxaa sadexdan phase ee sare  kaaga muuqad in Maalgelinta Dekeda Berbera ku baxaysaa ay tahay isku darka sadexdaa phase ee aan kor kaga soo dhawaajiyey oo aan weliba la hubin phase 2, isku darka kharajka lagu maalgelinayaana uu noqon doono lacag gaadhaysa $ 242 Million oo qudha.  Sidaa daraadeed waxaa aqoon yahanka iyo Fogaan araga reer Somaliland is weydiinayaan Sababta  deg-dega ah ee Xukuumada ku kaliftay waqtigan cawo-daranta ah ee kala guurka ah in Deked dhan oo shaqeynaysa, loogu wareejinaayo$242 Million oo qudha  mudo dheer oo 30 ilaa 40 sanadood ah.  iyada oo weliba lagu qiyaasay in Dekeda Berberi soo saarto sanadkiiba $1.3 Million ilaa $1.5 Million , 10-kiisanadoodna ay soo saari karto aduun badan oo u dhigma $1.3 Billion ilaa $1.5 Billion. Waxaa isfahanka Heshiiska qaybtiisa kowaad ee “Memorandum Of  Understand ” uu dhayda ka cadeynayaa  in mudnaanta kowaad la siiyey Mashaariicda horumarinta oo laga ilduufay qalinkana lagu xaday wareejinta Dekeda. Mashaariicda Horumarinta ee la isla fahmay waxaa ka mid ah: Mashruuca Beeraha,kaluunka, xoolaha, Shaqo abuurka, Dalxiiska, Wadooyinka, Keydinta Shidaalka iyo Tamarta. Horumarintaa balaadhan ee Mashaariicdani huwan yihiin lama diidana oo waa  la soo dhaweynayaa Laakiin waxay aheyd in ay xukuumadu ogaato in Muraadka shirkada DPW ay u socotaa ee Miiska Saaran ee Xaraashka ahi uu yahay Dekeda Berbera oo shaqaysa oo soo saarta Sanadkiiba $1.5 Million. Su’aasha mujtamaca reer Somaliland is weydiinayaan ayaa ku soo ururaysa Maalmahan,  Dekeda Berberi mow qalantaa in lagu maalgeliyo qiimaha $242 Million mudo 30 sanadood ah ? ileyn lacagta kale ee $188.Million ee ka hadhay lacagtii maalgelinta guud ee aheyd  $430 Millionwaxaa iyada lagu maalgelinayaa mashaariicda horumarineed een aan kor kaga soo dhawaajiyaye. Waxaa bayaan ah oo ummaddu wada aragtaa in heshiiskani uu yahay mid midi-roortaysan  oo qusum iyo qoon ah oo ay shaqsiyaad gaar ahi ay dano shaqsi ah oo  gaar ah ka leeyihiin.Guntii iyo Gebagebadii Qormadan:  Sida ku cad “Term Sheetka ” Waa in ay ansixiyaan Mashruucan Golaha Baarlamaanku sidaa daraadeed , Waxaa Golaha Baarlamaanka ee Somaliland laga codsanayaa oo looga fadhiyaa in ay shirkadaa DPW iyo Xeerarkeeda u kuur galaan oo taxadar badan iyo wada tashi badan ka sameeyaan nuxurka ku duugan heshiiskan huursan ee lagu Sadqeynaayo Dekeda Berbera oo aheyd ibtii dhaqaale ee habaysay Qaranka Somaliland.

La soco tirsiga 6-aad iyo nuxurka qarsoon ee ku duugan Wareejinta Dekeda Berbera- ——————————–??

Boowe waxaan idiinku soo garoocayaa maanta ,

Aniga Daaha kama rogin dadkuna Wuu arkaayaa!
Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso!
Hasha ka irmaan Habaar qabe maal
Ana hawshiyo Habeeda imari
Geeso Haydhane Lo’da hadh udiid
misna ma hadhsado ee
Allow  sahal amuuraha!!

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive ED BD PA Advisor.
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews