Wadooyinka Caasimada Qaarkood Oo Weli Uxidhan Geedihii Uu Soo Ridey Roobkii Dabeysha Watay Ee Todobaadkan Da’ay Iyo Doorkii Dawlada Hoose Oo Aan Muuqan
June 16, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar kamida wadooyinka dhex mara xaafadaha magaalada Hargeysa ayaa xidhan kadib markii uu roob dabeylo wata maalintii isniinta ee Todobaadkan soo ridey Geedo badan oo ku yaal magaalada.
Geedaha dabeysha roobku soo ridey waxaa ay dhex yaalaan wadooyinkii ay mari lahaayeen Gaadiidka iyo dadku, arrintaasi oo keentay in wadooyinkii furnaa ay gaadiidkii wada maraan islamarkaana mashquul badani ka dhaco wadooyinka halbawlaha ee magaalada Dhexmara.