berberatoday.com
Cali Guray Oo Qarxiyey Sir Culus, Sheegayna Dakhli Mallayiin Dollar Ah Oo Musharrax Jamaal kusoo saaray Xisbiga Ucid, Laba Guri oo Maraynkan uu ku lahaa-na soo Xaraashay Ucid darteed, Faysal-na Ku Tilmaamay Nin Xisbiga Ucid Dadka Ku Shaxaadda…
June 17, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Ucid muj. Cali Guray ayaa mar kale ku celiyey kharash xadigiisu ka badan yahay 1 Milyan Dollar oo soo saaristii Xisbiga Ucid kaga baxday Musharraxa jagada madaxweynaha ee Xisbigiisa md. Jamaal Cali xuseen. Muj. Cali waxa uu degmo degmo usoo xisaabiyey dhamaan degma doorashooyinka somaliland ee ay ka qabsoontay  kuwaasoo xildhibaanaddii ka sharaxnaa uu kharash lagu diiwaangeliyey uu bixiyey, waxa kaloo uu intaa raaciyey Gudoomiye Cali guray inuu musharax jamaal Cali Xuseen markii uu ka go”ay kharashkii, uu soo Xaraashay laba Guri oo uu ku lahaa dalka Maraynkanka. Iyaddoo dhaqaalihii kasoo baxaynaa uu xisbiga Ucid ku dhisay.
 Isagoo dhinaca kale Gudoomiyuhu dhaliil culus usoo jeediyey Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe kaasoo uu ku sheegay inuu yahay shaqsi aanu dhaqaale haba-yaraatee ka gelin Xisbiga, balse ku shaxaada, isla markaana uu isaggu ku shaqaysanaayey shaashka Xisbiga Ucid. Muj Cali guray sidaas wuxuu ku sheegay qoraal uu ku faahfaahiyey kharashka ka baxay Musharrax jamaal Cali xuseen oo uu soo dhigay barta facebook -giisa waxanu u dhigan yahay sidan.
“..Anigu sida Ina Cali Waraabe beenaale ma ihi, khayinna ma ahi, bilaa wacadna ma ahi.
Jamaal 300,000,$oo udub ku xidhay musharxnimadiisa markii uu dhigay waatii la isku rogay lacagta ka baxday ilaa 100,000$ ayaan ku qiyaasayaa intii aanay Faysal heshiiska wada gelin eenu UCID noqon. 200’000$ ee kale wuxu geliyay UCID waanay ka go’day kaambaynkii oon dhamaan hadana isaga ayuun baa wixii ku baxay ololaha iyo baahiyihii kale oo dhan daboolay Faysal bal cid gambo ku darsatay ha sheego. Musharixiintii UCID ka soo bilaw bari 
DHAHAR
BADHAN
CEERIGAABO
CEELAFWAYNE
GARADAG
LAASCANOOD
XUDUN
CAYNABO
BURCO
ODWAYNE
Iintaas oo degmo bal isu gee musharixiintii UCID oo midkiiba lagu diiwaangeliyay 2 milyan Sl Sh yaa la bixiyay Jamaal Cali. Saaxil iyo Maroodi Jeexna Jamaal buu ahaa kii ilaa kharshkii ololaha iyo kasbis iyo gacansiinta aan waxba kala hadhin eh Faysal bal wax uu ku darsaday ha sheego. Jamaal waxa kale uu UCID u iibiyay laba guri oo ka mid ahaa hantidii uu ku lahaa dalka maraykanka ee xaguu geeyay ma nin u baahnaa inu hantidiisa iibiyo ayuu ahaa? Muraad kale umuu iibin ee UCID ayuu u iibiyay. Sanadkii ugu dambeeyay shaqadii American City Bank dakhligii laga cashuuray een aniga laftaydu waraaqahooda arkay waxay dhamayd 680,000$ waxa dheeraa 200000$ oo uu ku qaatay gunno guri iyo dugsiga caruurtiisa marka la isku daro 880 000$ ayuu sanadkii shaqeeyay hadana intu mar keliya dhulka dhigay ayuu u soo biyaystay siyaasad intii uu ku jirayna wax uu ku bixiyo mooyaane wax ka soo galay ma jiraan. Halka Ina Cali Waraabe uu u yahay xisbiga UCID moqorofad uu dawarsado oo cid walba ku baadho ilaa Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh bal cid kaleba daayoo. Marka ay sidaa tahay anigu waxan hubaa hadii UCID Jamaal iyo Faysal uu mid soo saaray uu sheegan karo inu yahay Jamaal ee Faysal aanu irbad ku darsan hadana uu yahay ka maanta UCID kala dagaalamaya inu tartamo uu guusha beegsado. Laakiin aan eegno hadii sida Faysal iyo inta adeegsanaysa ay tooda noqoto karis xun iyadaa ku wax la’ waxay noqon dhan walba ha lagu wado eh dheglay ku shib waana la isla wada degi ee hadhaw yaanay la xumaan kuwa Faysal aaminay inu wax u tari karo oo inta uu Jamaal Cali Xuseen musharaxnimada ka qaado uu isagu musharax ka noqoto UCID. Taasi waa riyo”.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews