Dawladda Ingiriiska Oo Si Taxadar Ka Muuqdo Uga Hadashay Dib U Dhaca Ku Yimid Wada Hadalada Somaliland iyo Somaliya Ee Turkiga
June 17, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Ingiriiska, ayaa si uu taxadar badani ka muuqdo waxa ay uga hadashay dib u dhaca ku yimid wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee la qorsheeyay inay Turkiga ka qabsoomaan 31 May, kuwaas oo aan ilaa hadda si rasmi ah loo garanayn sababta dib u dhaca keentay.

Wasiirka Afrika iyo waddamada Barwaaqo-sooranka u qaabilsan Ingiriiska, Mr. James Duddridge, oo dhawaan ay Baarlamaanka Ingiriisku su’aalo weydiiyeen, ayaa waxa su’aalaha la weydiiyay ka mid ahayd mid ku saabsan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.