berberatoday.com
Dawladda Somaliya Oo Ku Mashquulsan Sidii Ay Muqdisho U Gayn Lahayd Odayaal Dhaqameed Somaliland Ah Oo Been Abuura Ah –
June 17, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliya, ayaa abaabulaysa sidii ay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya u gayn lahayd odayaal ay ku sheegtay inay metelayaan odayaasha dhaqanka ee Somaliland, si ay qayb uga noqdaan nidaamka doorasho ee Somaliya ka qabsoomaya dabayaaqada sannadkan.

 

Odayaashan ayaa warar uu Geeska Afrika, helay waxay sheegayaan in loo xilsaaray masuuliyiinta asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ee dawladda Somaliya ka tirsan, waxaanay diyaarinayaan oo ay ku gudo jiraan sidii ay waxa ay ugu yeedhayaan odayaashu u tagi lahaayeen magaalada Muqdisho, looguna samayn lahaa darajooyin been abuur ah oo ah inay ka tirsanyihiin madaxdhaqameedka Somaliland.

Siyaasiyiinta reer Somaliland ee ka tirsan dawladda Somaliya, ayaa guclo iyo orod ugu jira sidii ay ugu guulaysan lahaayeen inay Muqdisho geeyaan dad ay ugu yeedhayaan inay yihiin odayaal dhaqameed reer Somaliland ah, kuwaas oo u fududayn doona in Baarlamaanka Somaliya lagu daro dad reer Somaliland ah oo ay iyagu ansixiyeen.

Talaabadan ayay dawladda Somaliya go’aansatay ka dib markii ay ku guuldaraystay inay madaxdhaqameedka reer Somaliland ee caanka ah ku qanciso inay qayb ka noqdaan nidaamka doorasho ee Somaliya islamarkaana ay ansixiyaan xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Geesta kale, talaabadan ayaa ah mid uu Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh ku doonayo sidii uu ku heli lahaa codad uu ku noqdo mar labaad madaxweynaha Somaliya.

Shuruuda koowaad ee dadka ay odayaashu soo xulayaan ayaa ah inay saxeexaan in marka ay ka mid noqdaan baarlamaanka Somaliya ay codkooda siin doonaan Xasan Sheekh oo lagula jiro tartan adag.

Lama oga in dawladda Somaliland ka warqabto dhaqdhaqaaqyada dawladda Somaliya ay ka dhex waddo dalkeeda.

 

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews