berberatoday.com
Xildhibaan Ka Tirsanayd Baarlamaanka Britain Oo Toogasho Lagu Dilay, Sababta Dilka Iyo Madax Ka Hadashay
June 17, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Xildhibaankii ugu horreeyey ee xil haya illaa 1990-kii, ayaa caawa lagu dilay Waqooyiga waddanka Boqortooyada Britain, taasoo ahayd Xildhibaan  Jo Cox oo ka tirsanayd Xubnaha Baarlamaanka UK oo da’deedu ahayd 52 sano jir.

XILDHIBAAN JO COX OO LAGU DILAY BRITAIN 2016

XILDHIBAAN JO COX OO LAGU DILAY BRITAIN 2016

Ciidammada Booliiska Britian ee Waqooyiga England, ayaa sheegay in Jo Cox oo ahayd xubin Baarlamaanka Britain ka tirsan, ay dhimatay ka dib markii lagu toogtay deegaanka laga soo doorto ee West Yorkshire ee dalkaasi.

Xildhibaan Jo Cox oo ka tirsaneyd Xisbiga Shaqaalaha ee Labour-ka oo ka mid ah Xisbiyada ugu waawayn kuwa ka jira waddanka Ingiriiska, lama oga sababta rasmiga ah ee loo dilay. Balse waxay dad ka ag-dhawaa markii ay sheegeen inuu Toogtay nin Qori ku hubaysan oo Jaakeed ama Koodh xidhan oo aanay wejigiisa tilmaami karin.

Hase-yeeshee, waxa la sheegay inay ahayd Xildhibaan si weyn ugu ololaynaysay in Britain ay ka sii mid ahaato Ururka Midawga Yurub oo Afti Britain kaga baxayso la filayo in dhawaan loo codeeyo. Taasoo la filayo in dib loo dhigo, isla markaana uu horseed u yahay ama soo jeediyey Raysal-wasaaraha dalkaas Dived Cameron.

Xildhibaan Jo Cox, waa Qofkii ugu horreeyay ee Xildhibaan ah ee xil haya ee la dilo illaa dilkii Xildhibaan Ian Gow oo ka tirsanaa Baarlamaanka Britain, kaasoo lagu dilay weerarkii IRA sannadkii 1990.

Wararka ka imanaya Waqooyiga England, ayaa sheegaya in Haweeney Baarlamaanka ka tirsan la toogtay oo dhaawac uu soo gaadhay, iyada oo kulan ku qabaneysay deegaanka laga soo doortay ee West Yorkshire.

Jo Cox  oo ahayd Xubin Baarlamaanka UK ee Xisbiga shaqaalaha, ayaa ku jirtay Shir magaalada Leeds ka socday markii la toogtay, waxaa si deg-deg ah Cusbitaalka loogu qaaday Dayaarad, halkaas oo ay ku dhimatay.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan Cox laga toogtay, isla markaana Madaxa dhawr jeer Mindi la geliyay. Waxaa dilkaa Xildhibaanka loo qabtay illaa hadda inta la sheegay hal Nin, kaasoo lagu magacaabo Tommy Mair.

Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha Britian ee Labour-ka Mr. Corbyn oo ka hadlay dilka Xildhibaanka, ayaa sheegay inay aad uga naxeen dilka Xildhibaan Jo Cox, isla markaana ay cambaaraynayaan, isagoo ku tilmaamay mid axmaqnimo ah oo lagula kacay iyadoo u shaqaynaysa dadkeeda iyo dalkeeda iyo dimuquraadiyaddooda.

Waxa uu xusay inay ahayd Saaxiibad fiican oo ay aad u jeclaayeen Xisbi ahaan. Isla markaana, su’aalo la iska weydiin doono maalmaha soo socda siday u dhimatay iyo waxa ay u dhimatay Xildhibaan Jo Cox.

“Jow waxay dhimatay iyada oo gudanaysa masuuliyadda ka saaran dimuquraadiyaddeenna, isla markaana dhagaysanaysay dadka ay metelaysay ee soo doortay.” Sidaa ayuu yidhi Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha oo ay Xildhibaanku ka tirsanayd.

Newly elected Labour MPs. Jo Cox (left) MP for Batley & Spen, with Holly Lynch, MP for Halifax (right) at a photocall of newly elected Labour MP's at Westminster, central London. Picture date: Tuesday May 12, 2015. See PA story POLITICS Labour. Photo credit should read: Yui Mok/PA Wire URN:22984252

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews