Hargeysa(Berberatoday.com)-Prof Axmed Ismaciil Samatar oo ah aqoonyahan muddo dheer culuumta kala duwan ee maadiga ah ka dhigaayay Jaamacadaha Maraykanka, ayaa tan iyo wixii ka danbeeyay badhtamihii sannadkii 2013, oo ahayd markii uu badalay mawqifkiisi Soomaaliweyn, wuxuu si joogto ah u imanaayay waddanka Jamhuuriyadda Somaliland, tan iyo muddadaas Prof. Axmed Ismaciil Samatar kulamada uu ku qabto Caasimada Hargaysa iyo Gobolada dalkaba waxay ahayeen kuwo camiran oo ay cid kastaa u soo buuxiso, iyadoo dhalinyaradda Jaamacadaha iyo aqoonyahanka dalkuba ay si midaysan uga soo muuqan jireen kulamadaas.