berberatoday.com
Madaxweynaha Xamar Xasan Sheekh Oo Guddida Doorashada Somaliya Ku Soo Daray Laba Xubnood Oo Uu Sheegay Inay Qaabilsan Yihiin Soo Xulidda Xubnaha Somaliland Uga Qayb-galaya
June 19, 2016 - Written by Berbera Today

Xukuumadda Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Damaca Xasan Sheekh Maxamuud

Hargeysa(Berberatoday.coim)-Iyadoo Madaxwaynaha  Dawladda Federaalka Soomaaliya,  Todobaadkii hore magacaabay Guddida qabanqaabada doorashashooyinka Madaxtooyada iyo baarlamaanka ee Bisha August lagu wado inay ka qabsoomaan Muqdisho, ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Madaxwaynaha Federaalka Somaliya wado Qorshe uu Madax-dhaqameed matalaya Somaliland uga qayb gali lahaayeen Doorashadaas.

Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, guddida uu magacaabay waxaa uu ku soo daray laba Xildhibaan oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya isla-markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, kuwaasi oo uu tilmaamay inay matalayaan Shacabka Somaliland.

Madaxwayne Xasan Sheekh, waxaa kale oo uu sheegay in doorashadaasi ay ka soo qayb gali doonaan Xubno ka tirsan Madax-dhaqameedka Somaliland si ay u soo xulaan xildhibaanada Maqaar-saarka ee Somaliland matalaya Doorashada Sanadkan.

Laakiin, Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay hadalkaasi ka soo yeedhay Madaxwaynaha Somaliland ayaa ku tilmaamtay Hadalo aan meel haysan oo uu iska yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo Shalay Warbaahinta Kula hadlay Magaalada Hargeysa waxaa Madaxwaynaha Soomaaliya ku eedeeyay inuu wado Dagaalo ka dhaca Geeska Afrika oo aanu caalamku u baahnayn, “Haddii uu Xasan Sheekh Nidaam sameynayo iyo haddii doorasho sameynayo, meesha uu madaxda ka yahay ee Muqdisho ayuu ka sameyn lahaa, Somaliland hore ayay uga go’day Somaliya Maantana arrimahaasi wax meesha yaala maaha.”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, waxaanu intaasi daray oo uu yidhi “Somaliland madax-dhaqameedkeedu Rag waxaasi yeelaya maaha oo waa raggii halganka dalkan u galay, waa raggii dalkan dhisay, waa ragga maanta nadabadeedu ku dhisantahay annigu cidduu la hadlayo garan mayno.”

Wasiir Cali Warancade, waxaa uu sheegay in Madaxwayne Xasan Sheekh Dagaal ka wado Geeska Afrika waxaanu yidhi, “Xasan Sheekh Hadduu ku fikirayo Geeska Afrika inuu dagaalo ka bilaabayo oo aanay Xukuumaddiisa iyo Caalamkuba maanta u baahnayn, waxaanu markhaati uga dhigeynaa Caalamka wixii halkaasi ka yimaadda inuu isagu masuul ka yahay, waxaanu nahay dal isku kalsoon dawladnimadoodii dhistay, Qarankoodana ku filan inay ilaaliyaan”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews