berberatoday.com
Tirada Dad Looga Shakiyey Ururka Al-Shabaab Oo Lagu Qabtey Xaafadda Boqol Iyo Kontonka Ee Hargeysa, Sida Hawl-galku U Dhacay Iyo Hubka Lagu Qabtay
June 19, 2016 - Written by Berbera Today

Ciidammada Ammaanka Oo U Daatay Laba Guri Oo U Kireysnaa Dadkan La Qabtay Oo Midkood Haweenay Tahay

Hargeysa(Berberatoday.com)-Hawl-gal Ciidammada sida gaarka ah u Tababbaran ee loo yaqaanno RRU-du ka sameeyeen Xaafadda Boqol iyo Kontonka ee Magaalada Hargeysa ayay ku soo qabteen Saddex Qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Dalka Soomaaliya.

Ma Jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Ciidammada Ammaanka oo la xidhiidha Hawl-galka Ciidanku ka sameeyeen Xaafadda Boqol iyo Kontonka ee Hargeysa, laakiin Ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Hawl-gal Ciidammada RRU-du Duhurnimadii Jimcihii Doraad sameeyeen halkaasi ku soo qabteen Saddex Ruux oo midkood Haweenay tahay, kuwaasi oo la sheegay in looga shakisan yahay Argagixisonimo.

Warka ayaa intaa ku daraya, in RRU-da oo raacaya Sahan Ciidammada Sirdoonku sameeyeen ay u daateen laba Guri oo midkood yahay Jiingad, isla-markaana  ay ka soo qabteen  Saddexda Qof ee laga shakisan yahay.

Wargeyska Himilo uma suurto-gelin inuu Helo Masuuliyiinta Hay’adaha Ammaanka Somaliland oo wax laga waydiin lahaa Hawl-galkan Dadka lagu qab-qabtay, laakiin qaar ka mid ah Dadka Deggen Xaafadda ay ku yaalaan Guryaha laga soo qabtay Saddexda Ruux, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Ciidanka RRU-du guryaha ay Dadkan ka qabteen ka heleen Hub nooca fudud ah.

Dhanka kale, intii Hawl-galkani socday, waxa aad loo adkeeyay Ammaanka Xaafadda ay ku yaallaan laba Guri ee Saddexda Qof laga qabtay, iyadoo Ciidan badan la dhigay Guryaha kale ee Xaafaddaasi hortooda

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews