berberatoday.com
Xogo Ka Soo Baxay Rasaas Xalay Ka Dhacday Guriga Wasiir Ka Daakhilga Somalialnd Waran Cadde
June 19, 2016 - Written by Berbera Today

Haragysa(Berberatoday.com)-Xalay fiidkii, bacda afurkii waxa mar keliya la maqlay rasaas ka dhacaysay guriga wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade oo ku yaala dacalka bari ee magaalada Hargeysa. Mana jiro wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastaas.

wasiir waran cade

Cidda weerarka guriga ku qaaday waxa xalay ka soo baxay warar kala duwan, mana jiro wax war ah oo uu wasiirku ka soo saaray xaaladda xalay gurigiisa ku soo korodhay. Wararka qaar ayaa sheegaya in nin ka mid ah ehelada wasiirka oo ay wasiirka is qabteen uu weerar gacanta ah oo uu faash u adeegsaday ku qaaday mid ka mid ah ilaalada wasiirka, taas oo ay ilaalada wasiirkuna kaga jawaabeen rasaas tiro badan oo ay rideen.

Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in ninkan weerarka qaaday uu ka mid ahaa dadka ka shaqeeya libaaxyada uu wasiir Warancade haysto, kaas oo guriga wasiirka ku soo qaaday weerar ka dib markii ay wasiir Warancade is qabteen.

Wasiirka arrimaha gudaha oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu arrintan wax ka weydiiyo ayaanay u suurtogelin. Telefishanka HCTV ayaa baahiyay in rasaasta guriga ka dhacday ay socotay salaadii makhrib ilaa salaadii cishaa’i.

Ciidamada Booliska ayaa sida Telefishanku sheegay waxay xaqiijiyeen inaan wax khasaare ahi dhicin, balse ciidamada Booliska ayaa gaadh culus ka hayay xalay guriga wasiirka daakhiliga.

Sida uu telefishanku sheegay ciidamada ammaanka ayaa xaqiijiyay in ninka guriga weerarka ku qaaday uu ka tirsanaa qaraabada wasiir Warancade kana mid ahaa shaqaalaha goobta lagu hayo libaaxyada wasiir Warancade.

Dadweynaha ku nool xaafadaas uu ku yaalo guriga Wasiir Warancade ayaa ku khalkhalay rasaasta xalay ka dhacday guriga wasiirka taas oo naxdin iyo war war ku abuurtay.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews