Xukuumadda Oo Lagu Eedeeyay Inay Garan-weyday Inay Cisbitaal Geyso Afhayeenka Dhallinyarada WADDANI Oo Ku Dhex Xanuunsanaya Saldhigga Dhexe Ee Hargeysa
June 19, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa mar kale ka hadlay Xadhig Xukuumaddu u geysatay Afhayeenka Garabka Dhallinyarada ee WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Dhallinyaro kale oo ka soo jeeda Gobolka Saaxil, kuwaasi oo Xadhiggooda loo cuskaday inay si khaldan uga hadleen Heshiiska Maal-gelinta Dekedda Berbera.